Wararkii Ugu Dambeeyay Saaka Ee Xaaladda Diridhaba

0
359 views
Wararkii Ugu Dambeeyay Saaka Ee Xaaladda Diridhaba

Diridhaba(Sayruuq)-Magaalda Diridhaba ayaa saaka degen, waxaana caadi ku soo noqday isu socodkii gaadiidka dadwaynaha, sida ay BBC-da u sheegeen dad magaalada ku sugan.

Booliis ayaa aad loo dhoobay waddooyinka magaalada, waxaana jira kuwo kale oo baabuur wata oo gaaf wareegaya magaalada.

Rabshado ayaa Dirdhabo ka dhacay Axaddii, kuwaas oo la sheegay in ay dabo socdeen kuwii ka horeeyay ee Sabtii ka dhacay magaalada Jigjiga.

Dad Soomaali ah oo daganaa Xaafadaha ay Oromadu ku badan tahay ayaa sheegay in ay guryahooda ka carareen ka dib markii la gubay guryo ay Soomaali lahayd.

Wasaaradda gaashaan dhigga ee dalka Itoobiya oo ka hadashay rabshadaha ayaa sheegtay in ay sugi doonto ammaanka shacabka iyo hantida dalka.

Xigasho BBC
SayruuqNews
Hargeysa-Somaliland
sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.