Wararkii U Dambeeyay Ee Xiisadda Tukaraq
Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdikhayre Dirir iyo Xildhibaan Dhakool oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland oo shirar jaraa’id oo kala gooni ah ku qabtay Laascaanood ayaa maamulka Puntland ku boorriyay in aanay ku degdegin hurinta colaadda waxaanay isimo iyo siyaasiyiin gobolka Sool ka soo jeeda oo Puntland ka shidaal qaata ugu baaqeen in aanay qayb ka noqon hurin colaadeed oo ku saamayn karta magaalada Garoowe ee ay joogaan.
Guddoomiyaha Gobolka Sool waxa uu sheegay in beesha Majeerteen ee Puntland dhul boob ku hayso beesha Dhulbahante, islamarkaana aanay sinaba ku aqbali doonin in taako dhulkooda ah la aqbalo beel ahaan iyo dawlad ahaanba
Sayruuqnews