Wararkii U Dambeeyay Ee Tukaraq & Khasaaraha Dagaalkii Shalay

0
967 views
Somaliland Oo Ka Hadashay Dagaalka Tukaraq

Wararkii U Dambeeyay Ee Tukaraq & Khasaaraha Dagaalkii Shalay

Tukaraq iyo aageeda galinkii hore ee maanta wax dagaal toosa ahi kama socdo, Laakiin labada dhinac ayaa hub isku tuurtuuraya, iyadoo qolaba meesheeda joogto ayey marka dhinac qori rido, kan kalena uu ridaya mid la mid ah taas oo u muuqata is wargelin ku saabsan in dhan walba feejigan yahay.

Gurmad labada dhinac ah ayaa u kala yimi labada ciidan, Waxaana suuragal ah inuu mar walba qarxi karo dagaal, dadka reer guuraaga ah ayaa la sheegay in ay ka cararayaan dhulka baadiyaha ah ee lagu dagaalama.

Dagaalkii Shalay

Warar madaxbanaan oo uu wargeyska Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Ciidanka qaranka Somaliland ay Puntland gacanta kaga dhigeen 7 baabuurta dagaalka ah iyo hal kaare, waxa kale oo ay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad badan oo ay ka yaaceen. Sidoo kale waxay ciidanka qaranku gacanta ku dhigeen maxaabiis dagaal oo aan tiradooda la sheegin.

Somaliland waxa dagaalka lagaga qabsaday Hal beebee, lamana hayo baabuur dagaal iyo maxaabiis ay ka qabteen Somaliland. Ciidanka qaranka Somaliland waxa ka geeriyooday lix askari oo uu mid ahaa taliye guuto Marxuum Maxamed Daauud Nuur, dhaawaca ayaa sidoo kale 12 askari oo ka dhaawacmay ciidank qaranka Somaliland.

Wararka laga helayo magaalada Garowe, ayaa iyaguna sheegay in dhaawaca maleeshiyaadka Puntland uu marayo 35 askari, halka dhaawacu yahay 56 la geeyay cisbitaalka magaalada Garowe. Magaalada Garowe ayaa shalay laga maqlayay dayaanka rasaasta ay ciidamadu isweydaarsanayeen maaddaama oo ay ciidanka qaranku dhaafeen deegaanka Tukaraq ee ay ku sugnaayeen markii hore, iyagoo dhinaca Garowe ee laamiga u baacsaday maleeshiyaadkaas.

Cisbitaalka ugu weyn magaalada Garowe ayay dadka shacabka ahi shalay ku urureen si ay uga dhex goobaan eheladooda askarta Puntland ah ee dhaawacooda la soo gaadhsiiyay.

SourceK: Geeska Afrika

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.