Wararkii U Dambeeyay Ee Roobab Mahiigaan Ah Oo Ka Da’aya Somaliland & Puntland

0
702 views
Wararkii U Dambeeyay Ee Roobab Mahiigaan Ah Oo Ka Da'aya Somaliland & Puntland
Sawir Hore

Wararkii U Dambeeyay Ee Roobab Mahiigaan Ah Oo Ka Da’aya Somaliland & Puntland

Roobab mahiigaanno ah ayaa khasaare ka gaystay deegaanno ka tirsan maamul goboleedka Puntland iyo Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland 12 kii saac ee la soo dhaafay, sida ay shaacisay Qaramada Midoobay.

Labo ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen deegaannada Bari ee Puntland ka dib markii ay daadad la tageen, sida uu BBC-da u xaqiijiyay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland Maxamed Cali Nuur Juba.

Dhanka kalana Hirar waawayn oo badda laas Qoray ka soo kacay ayaa dibadda u soo saaray oo burburiyay ugu yaraan toban doomood waxaana jira walaac laga qabo in ay biyuhu galaan guryaha sida uu BBC-da u xaqiijiyay, Badhasaabka badhan u jooga Somaliland Cali Xuseen Saalax.

Hay’adda cunnada iyo beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO ayaa sheegtay in la filayo in ay mahiigaannada ka da’aya qaybo ka mid ah Puntland iyo Somaliland ay ka sii daraan labada maalmood ee foodda inagu soo haya.

Shalay ayay ahayd markii digniinta laga soo saaray duufaanta iyo roobabka mahiigaanka ah.

Dhanka kalana waxaa hoos u dhacay roobabka ka da’aya Juba, Shabeelle iyo waliba dhulka buuralayda ah ee Itoobiya.

Daadad iyo fatahaado badan oo arrintaas ka dhashay ayaana khasaare badan ka gaystay deegaanno badan oo Soomaali ah.

Source: BBCSomali/ VOASomali

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.