Wararkii U Dambeeyay Ee Aagga Tukaraq

0
2,056 views
Wararkii U Dambeeyay Ee Aagga Tukaraq

Wararkii U Dambeeyay Ee Aagga Tukaraq
Wararka Jimcaha saaka ka imanaya degaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay shalay ku dagaallameen ciidamada Qaranka Somaliland iyo kuwa maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland waxay sheegayaan in aanu saaka wax dagaal ahi bilaamin, islamarkaana xaaladdu deggan tahay.
Hase ahaatee ciidamada oo shalay dagaal culus dhexmaray horena u dagaallamay 15-kii May ayaa wali is hor fadhiya waxaana jira walaac ah in xilli kasta dagaal ka dhex qarxi karo maaddaama aanay jirin xabad joojin la isla gaadhay ama wada hadal u furmay dhinacyada iyo cid dhexdhexaadin ka wadda toona.
Wariyaha Garoowe ee Idaacadda BBC-da ayaa sheegaya in jidka isku xidha Garoowe iyo Somaliland uu xidhan yahay tan iyo markii saansaanta colaaddu bilaamatay maalmihii la soo dhaafay. Inta badan dadka u socda Soomaaliya iyo dadka Somaliland ee muraadka u yeesha ayaa jidkaasi si joogta ah u isticmaali jiray.
Beesha caalamka ayaa ku baaqaysa in dagaalka la joojiyo laakiin, dhinacyadu wali ma sheegeen wax nabadda taageeraya waxaanay isku eedaynayaan cidda gacan qaadka ku horaysay.
Ilaa hadda ma cadda khasaaraha dagaalka shalay laakiin, waxa xusid mudan in khasaare badan ka dhashay dagaalka.
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.