Wararkii U Dambeeyay Dagaal Culus Oo Gobolka Sool Ka Qarxay

0
765 views
Wararkii U Dambeeyay Dagaal Culus Oo Gobolka Sool Ka Qarxay

Wararkii U Dambeeyay Dagaal Culus Oo Gobolka Sool Ka Qarxay
Dagaalkan oo bilaabmay saaka hiirtii ayaa la sheegayaa in uu degaano kaladuwan ku faafay iyadoo aanay jirin wax dadaal nabadeed ah oo dagaalkan lagu joojinayo.
Ilaa hada ma jiraan cid si dhab ah u sheegi karta khasaaraha dhabta ah, waxaase isbitaalada Laascaanood la soo gaadhsiiyey 21 qof sida uu Gudoomiyaha degmada Laas-caanood C/casiis Xuseen uu u sheegay warbaahinta Hiiraan.
Gudoomiyuhu waxa uu dagaalkan ku timaamay mid nasiib darro ah, islamarkaana aanay jirin cid haatan ku hawlan in ay xabada joojiyaan.
Qaar ka mid ah waxgaradka degmada Laas-caanood oo aan la xidhiidhnay ayaa sheegay in waqtiga sidan oo kale ah ay ciidan ka awood badan oo keliya ay tahay waxaa xabada joojin kara.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.