Wararkii U Dambeeyay Colaadda Sool

0
168 views
Wararkii U Dambeeyay Colaadda Sool

Wararkii U Dambeeyay Colaadda Sool
Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhimatay in ka badan 80 kalena way ku dhaawacmeen dagaal ilaa iyo shalay koonfurta gobolka Sool ku dhex marayay laba maleeshiyo beeleed oo iska soo horjeeda.
Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Dhumay oo qiyaastii 30 km dhinaca koonureed ka xiga magaalada Laas-Caannod.
Dagaalkan ayaa daba socda dagaallo soo jiitamayay tan iyo 2004-tii oo u dhaxeeyay labadan beelood oo ilaa iyo sideed goobood oo gobolka ah wada dega.
Dagaalka ayaa ku soo beegmayaa iyadoo sagaalkii bishan labada dhinac ay heshiis ku kala saxiixdeen magaalada Laas Caanood.
Wararka ayaa sheegaya in maanta ay jireen isku dhacyo u dhexeeya labada dhinac waxaana caqabad ku ah dhexdhexaadin la sameeyo xabadda socota oo aanay suuro gal ahayn in la kala dhex galo maleeshiyaadka dagaallamaya.

Sida uu ku warramayo wariyaha VOA ee gobolka Sool waxa magaalada Laascaanood laga dareemaya saamaynta dagaalka waxaana jira baaqyo nabadeed oo la jeedinayo iyo dad weer cad xidhay

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.