Wararkii U Dambeeyay Ciidamo Isku Gadaamay Xafiiska Dr Abiy

Ciidamada koofiyad casta oo gadoodsan ayaa khalkhal galiyay Addis Ababa markii Isgaadhsiinta Hawada laga saaray lana xidhay dhammaan jidadka gala xafiiska ra'isal wasaaraha

0
1,259 views

Wararkii U Dambeeyay Ciidamo Isku Gadaamay Xafiiska Dr Abiy
Addis Ababa(Sayruuq) Bulshada reer Addis Ababa ayaa argagax ka qaaday ciidamada Militariga Itoobiya oo galay xafiiska ra’isal wasaare Abiy Axmed, islamarkaana galinkii dambe ee Arbacada oo dhan xannibay jidadka soo gala xafiiska ra’isal wasaaraha.

War laga sii daayay telefishanka Itoobiya ayaa goor dambe lagu sheegay in saraakiil metelaysay ciidamada iyo ra’isal wasaaruhu wada gaadheen heshiis. Ciidamada ayaa ka cabanayay mushaharka.

Ciidamada oo ilaa bishii la soo dhaafay ku hawlana xasilinta magaalada Addis Ababa iyo hareeraheeda oo rabshado qoomiyado u dhexeeya ka jireen waxay sheegeen in mushaharku ku yar yahay, islamarkaana aanay taliyeyaashoodu ka hadal baahidooda.

Ra’isal wasaare Abiy waxa uu sheegay in ujeedkooda koobaad ahaa in ay farriintooda soo gaadhsiiyaan laakiin, dadweynaha ayaa si weyn uga walaacsana in ay afgambi damacsan yihiin waxaana la jaray Internetka inkasta oo dawladdu ku dooday in laga hor tagayay wararka been abuurka ah ee baraha bulshada lagu faafinayo.

Inkasta oo Dr Abiy ka garaabay cabashada ciidamada sida ay ku warramayso warbaahinta Itoobiya haddana waxa uu waxaan la aqbali Karin ku tilmaamay in qori caaradii xuquuq lagu raadsado dal dimuqraadi ah.

Waxa uu sheegay in dhammaan ururada siyaasadeed ee hubaysna lala gaadhay heshiis ay dalkooda dib ugu soo noqdaan kadibna ay hubka dhigaan si ay ugu halgamaan xuquuqdooda si nabad galyo ah laakiin, aan la aqbali Karin cid hub wax ku doonaysa.

Heshiiska la sheegay in ra’isal wasaaraha iyo ciidamada uu dhex maray ayaan wax faahfaahin ah laga hayn laakiin, ra’isal wasaaruhu waxa uu sheegay in cabashadani qayb ka tahay cabashooyinka kale sida macallimiinta iyo ururada caafimaadka.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.