Warar Ka Soo Kordhay Madaxweynihii Dawlad Degaanka Soomaalida Ee Militariga Itoobiya Shalay Qaatay

0
937 views
Warar Ka Soo Kordhay Madaxweynihii Dawlad Degaanka Soomaalida Ee Militariga Itoobiya Shalay Qaatay

Warar Ka Soo Kordhay Madaxweynihii Dawlad Degaanka Soomaalida Ee Militariga Itoobiya Shalay Qaatay
Addis Ababa(Sayruuq) Madaxweynihii xilka laga dejiyay ee dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo shalay galinkii hore ciidamada Militariga iyo Booliska Federaalku ka qaadeen magaalada Jigjiga ayaa gaadhay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.
Ma jiro war rasmi ah oo xaaladda Cabdi Maxamuud Cumar ay ka soo saareen dawladda Federaalka Itoobiya iyo dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya hase ahaatee wararka laga helayo Addis Ababa ayaa sheegaya in Cabdi Ilay uu si u muuqata in u uxor yahay u gaadhay madaarka Bole ee Addis Ababa.
Wargeyska ka soo baxa Itoobiya ee Addis Standard oo soo xiganaya wariyeyaal joogay madaarka markii uu soo degay Cabdi Maxamuud Cumar waxa uu sheegay in uu qolka madaarka ee VIP-da galay iyada oo aan wax ciidamo ah ilaalinayn. Wargeysku wuxuu sheegay in diyaarad Militari oo huruud ahi ay siday Cabdi Ilay, islamarkaana ay ka tagtay madaarka.
“Diyaaraddii Helikobtorta ahayd way tagtay, Cabdi Maxamuud Cumar-na wuu ka baxay qolka VIP-da (Qolka soo dhawaynta) waxaana wehelinayay dad shacab ah oo ay ka mid tahay gabadh Marwo ah oo barbar socotay, waxaanu xidhna dharka caadiga ah mana jirin wax ciidamo Militari ah oo ku hareeraysan mana silsiladaysna,” Sidaas ayay ku soo warrameen wariyeyaasha madaarka joogay ee wargeyska Addis Standard soo xigtay.
Wargeysku wuxuu intaasi ku daray in Cabdi Maxamuud Cumar la sii wadayo xukumadda Federaalka ah wada hadallo u bilawday Sabtidii la soo dhaafay. Isku day ciidamada militarigu doonayeen in ay ku qabtaan Cabdi ayaa Sabtidii fashilmay waxaana iyada oo wada hadal u socdo xaaladda faraha ka saaray shacabka Jigjiga oo taageeraya Cabdi Maxamuud Cumar.
Dhinaca kale ilaa shalay fiidkii waxa soo baxay warar aan la xaqiijin oo baraha bulshada ay si weyn ugu faafiyeen taageerayaasha Cabdi Maxamuud Cumar kuwaas oo ku saabsan in xilka lagu soo celinayo Cabdi Ilay hase ahaatee ma jirto cid si rasmi ah warkaasi u sheegtay mana jirto wax war ah oo warbaahinta dawlad degaanku arrintan ka sheegtay.
Muuqaal goor dambe oo xalay ah laga sii daayay telefishanka dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya ee ESTV ayaa madaxweynaha ku meelgaadhka ah ee dawlad degaanka loo dhiibay Isniintii Axmed Cabdi Maxamed wuxuu ku baaqay in wararka been abuurka ah bulshada laga daayo taas oo u muuqata in uu ula jeedo warka ku saabsan in Cabdi Maxamuud Cumar lagu soo celinayo xilka.

Waxa uu sheegay in dadka jooga Jigjiga ay gaajo halis u yihiin maaddaama ganacsatadu wali aanay furin meheradahooda iyaga oo ka cabsanaya xaaladda hubaal la’aanta ah. Waxa kale oo uu sheegay in wali dadku ka qaxayo Jigjiga cabsi la qabo awgeed waxaanu ku baaqay in ganacsatadu furto meheradaha, dadka qaxayana joogaan guryahooda oo xaaladda caadi lagu soo celiyo lana dejiyo isaga oo ku dooday in aanay jirin wax cabsi ah. Waxa uu amray in saaka dhammaan madaxda dawladda iyo shaqaalaheedu dib u furan xafiisyada shaqada ee dawladda.
Geesta kale warbaahinta Itoobiya ee Fana ayaa ku warramaysa in ciidamada Militariga ee joogay Jigjiga shalay galinkii hore u dhaqaaqeen degmooyinka Dhagax Buur iyo Qabridahar si ay ammaanka u soo celiyaan kala dambeynta.
Xaaladda gobolka ayaa u muuqata mid hubaal la’aan ah oo aanay xumad jabin u noqon xilka qaadista Cabdi Maxamuud Cumar waxaana wali degaan la’aani ka taaggan tahay Jigjiga iyo meelo kale oo gobolka ka mid ah.
Wargeyska Waaberi

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.