Warancadde Oo Soo Bandhigay 3 Qolo Oo Amniga Halis Ku Ah

0
650 views
Warancadde Oo Jabuuti Ugu Baaqay In Somaliland Aqoonsato

Warancadde Oo Soo Bandhigay Saddex Qolo Oo Amniga Halis Ku Ah

Hargeysa (Sayruuq) Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde oo muddooyinkii ugu dambeeyey socdaal howleed ugu maqnaa Dalka Debadiisa, ayaa maanta Dalka kusoo gurya noqday, iyadoo lagu qaabilay soo dhaweyn aad u ballaadhan, taasi oo ay ka qayb-qaadanayeen siyaasiyiin, madax-dhaqameed, dhalinyaro iyo haween reer Somaliland.

Waranacadde waxa uu ka hadlay dhacdooyin waddanka ka jiray intii uu maqnaa“ Waxaan aad iyo aad ugu xumahay intii aan maqnaa inay waxoogaa yar oo qardoofooyin ahi ay jireen, wax-yaabahaasina waa wax-yaabaha halista ku ah jiritaanka iyo wadda jirka ummadda Somaliland, markaa waxaan jecelay in aan halkan uga baaqo, Somaliland waxay ku soo nabad iyo caano maashay isku tanaasul is jecayl iyo in la isku dabciyo dunta, taa waxaan leeyahay reer Somaliland oo aan ugu baaqayo inay halkoodii iyo wada jirkoodii ay ku adkaystaan oo aan duufaanada dabaylaha ee khaas ahaan aynu ka dhaxalnay doorashadii ugu dambaysay aanay ruxin shacabka reer Somaliland ee waddada dheer ee qarfada ah soo maray, maantana urinaya neecowdii horumarka iyo dowladnimada.”.. Ayuu yidhi Cali Warancadde

Waxa kale oo uu ka haddlay Siyaasi Cali Warancadde uu ka haddkay saddex qolo oo uu layaabay intii uu safarka ku maqnaa, kuwaasi oo ku tilmaamay inay ku howlan-yihiin deban-daabyada Qaranka Somaliland  “Intii aan debadaha marayey saddex qolo ayaan aad ula yaabay, waxay ahayeen siyaasi cadhaysan oo bulshadii dhex-galay iyo beelihii, suldaan aad moodo inuu siyaasaddii ku milmay iyo qurba joog qabiili noqday oo runtii jahawareeray oo iyaga oo dowladaha dunida ka haysta nolol iyo waxbarasho iyo amni haddana in Somaliland ay balaayo ka dhac-do oo dadku beelo u kala baxo oo la is qabsado inta badan ku foogan ayaan indhaha dusha kaga hayey intii aan maqnaa, illaahayna waxaan ka baryayaa in illaahay uu kuwaana soo hadeeyo, ummadda reer Somaliland wada jirkoodii iyo wanaagoodii ay halkoodii ka wadaan, waayo Dowladnimo iyo qabyaaladi meel mawada galaan, siyaasad qabiil iyo siyaasad Dowladeed-na meel ma wadagalaan,siyaasi qabiili ah iyo siyaasi qaran doon ahina meel ma wada galaan, siyaasiintana waxaan ugu baaqayaa inay ka baxaan qabyaalada iyo reeraha dhex-dooda ay jaha wareeriyeen oo siyaasaddii lagu ogaa ee kowda u ahaayeen ama ay qofka u ahaayeen  inay u madax-banaanaadaan oo ay usoo tafaxayteen, laakiin ay ka daayaan dibin- daabyada ay kula meeraysanayaan beelaha iyo ummada reer Somaliland.”

Ugu Dambayn Siyaasi Cali Warancadde ayaa ka hadlay nabadaynta Ceel-afweyn, waxaanu u mahadnaqay xeerbeegtida nabadaynta ceel-afweyn u jeegto, isagoo labada daraf ee dirirtu dhexnartayna u diray fariin wayeelnimo “Dagaaladii ka dhacay Ceel-afweyn iyo agagaaraheeda in Somaliland haddii ay tahay Madaxweynaheedii, shacbkeeda iyo culimadeeda iyo wax-garadkeeduba si weyn loogu gurmaday oo aan rajo weyn ka qabno in iyaduna ay si wanaagsan kusoo dhammaan-doonto, waayo madax meel la salaaxaa oo ka dambeysaa ma jirto, labeentii iyo akhyaartii reer Somaliland iyo madax-deedii ayaa halkaa iskugu tegay, iyagana waxaan ugu ducaynaya in illaahay uu wanaaga waafajiyo, waxaanan usoo jeedinayaa inay aqbalaan waa tii ugu dembaysay ama habaar iyo belaayo ayaa looga imanayaa iyo guri cas ama waxa looga Imanayaa duco .”

“Anigu Jeegaan Ma Aqaane Kulmiye Cidna Igama Hor Istaagi Karto,” Warancadde

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.