Warancadde Oo Quudaraynaya Musharaxnimada Kulmiye

0
324 views
Warancadde Oo Quudaraynaya Musharaxnimada Kulmiye

Warancadde Oo Quudaraynaya Musharaxnimada Kulmiye

Cali Maxamed Warancadde waxa uu sheegay in uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kala hadli doono sidii uu guddoomiyaha xisbiga Kulmiye u noqon lahaa si uu ugu gudbo musharraxa madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye. Waxa uu sheegay in Madaxweyne Biixi dhawaan xisbiga ka soo wareegay laakiin, marka ay timaaddo uu sharraxan yahay.

“Madaxweynuhu dhawaan buu ka soo wareegay meesha,  waana guddoomiyihii xisbiga imika kuxigeennadiisiina way joogaan, marka taas waxaan odhan lahaa bal horta marka odaygu meesha ku loxos gooyo aan eegne, wakhtigeeday leedahay,” Sidaas ayuu yidhi Warancadde oo intaasi raaciyay in wali xukumaddu cusub tahay oo aan la gaadhin xilli ku haboon.

Hase ahaatee waxa la waydiiyay in uu sharraxan yahay marka la gaadho in guddoonka Kulmiye la doorto waxaanu ku jawaabay “Dabcan haa(Of course) waxaan isleeyahay Muuse dabadii waxaad tahay ninka kaliya, qof walba wuu is tuhunsan yahaye in aan wax qaban karo tuhun badan baa igu jira, marka haa way dhici karta in aan u tartamo,” Sidaas ayuu yidhi Cali Warancadde.

Cali Warancadde ayaa hore ugu loolamay musharraxa xisbigii burburay ee UDUB kadibna xilal ka soo qabtay xukumaddii Siilaanyo hase ahaatee lama oga suurto galnimada musharraxnimada Kulmiye. Waxa hore hankaasi loogu tuhunsana siyaasiga Maxamuud Xaashi iyo Maxamed Ibraahin Qabo oo xukumaddii hore ka tirsana.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here