Warancadde Oo Jabuuti Ugu Baaqay In Somaliland Aqoonsato

0
428 views
Warancadde Oo Jabuuti Ugu Baaqay In Somaliland Aqoonsato

Warancadde Oo Jabuuti Ugu Baaqay In Somaliland Aqoonsato
Hargeysa(Sayruuq) La taliyaha gaarka ah ee madaxweynaha Somaliland mudane Cali Maxamed Warancadde ayaa sheegay in aanay jirin cid halkii ka qaadday qodobadii iyo tabashadii ka soo baxday shirweynihii beelaha Garxajis. Waxa kale oo uu sheegay in Jabuuti looga baahan yahay in ay Somaliland aqoonsato maaddaama ay ku hungowday dadaalkii ay galisay Soomaaliya oo dhawaan taageertay Ereteriya.
Lataliye Warancadde wuxuu sheegay in aanu wali arag guddi xukumadda ama madaxweynaha ku qalqaalinaysa wax ka qabashada tabashadii beelaha Garxajis iyo qodobadii ay doonayeen in wax laga qabto “Waxaan ku dhalliilaya(Shirka) ilaa imika ma arag guddidii ka daba iman lahayd arrimaha ay soo saareen ee dabeedna u tagi lahayd ciddii ay wax u sheeganayaan,” Sidaas ayuu yidhi Cali Warancadde oo intaasi ku daray in loo baahan yahay in wax laga qabto tabashooyinka jira.
Geesta kale waxa uu dawladda Jabuuti ugu baaqay in ay Somaliland aqoonsato maaddaama ay Somalia abaal ka wayday. Waxa uu sheegay in Jabuuti marar badan marti galisay shirar dawlad loogu samaynayo Soomaaliya “ Intaas oo jeer ayay gogol dhigeen(Reer Jabuuti) si ay maamul wanaagsan u dhistaan(reer Soomaaliya), intaas oo goor bay dagaallo la galeen oo nabad galyadooda u dhinteen abaalkooduna wuxuu noqday wixii Jabuuti ka cabanaysay, sidaas awgeed Jabuuti waxaan ugu baaqaya cidda ay xuduudka leeyihiin ee ay wax wada leeyihiin waa Somaliland ee in ay Somaliland citiraafaan oo ay uga hiiliyaan nimankaas(Soomaaliya) ee ay arkeen abaal darradooda iyo qiimo la’aantooda,” Sidaas ayuu yidhi Warancadde.
Waxa kale oo uu sheegay in Somaliland iyo Itoobiya isku tiirsan yihiin siiba dhanka dhaqaalaha iyo ammaanka. Waxa uu ku baaqay in ammaankooda iyo wada jirkooda ilaashadaan.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.