Home Articles WARAABOW MAALIN WACAN! W/Q:Cali Gurey

WARAABOW MAALIN WACAN! W/Q:Cali Gurey

4 min read
0
0
846

WARAABOW MAALIN WACAN!

MARNA TAAGTAA MARNA TAMARTAA
Ma istaahilo Ina Cali Waraabe in loo jawaabo waayo caqli kuma jiro madaxiisa gudihiisa ee waa faaruq(empty). Shirkii beenta ahaa ee sida tooska ah uga hor imanayay Xukunkii Maxkamadda Sare iyo Dastuurka Ucidba ayuu mooday in uu wixii uu walwalaaqday iyo bakhtigii uu cunayay een diiday in aan ka cuno ayuu wax u haystaa. Anigu hadii aan keligay dacwad furto waxan cadayn karaa inu faaruq yahay uu film kartoon yahay. Anigu waxan leeyahay ka qaadi oo teelo ha u dhigan cidda aad wax ka qaadayso. Intii aan Xeer 14ba jirin ayay hadh cad ka dareereen xildhibaanadii ka soo baxay ucid saxna way ahaayeen oo maanta halka ay gaadheen may gaadheen hadii aanay iskaga tegin oo Xisbi gaar ah samaysan. Anaga ayaa u soo gurmanay oo u hiilinay oo xisbiga soo saarnay. Kolkaanu aragnay in aanu qof jira ahayn anaga ayaa uf nidhi oo iskaga tagnay. Sharci Alla sharci uu maanta ku yahay Musharaxna ma jiro oo tiisa ayaa been ah oo sharci darro ah.
Qof u qalma in loo jawaabo maaha. Wuxu u bartay in mar kasta beer dad kale ku tabcay uu sugo marka ay bislaatona ilayn qof damiir ma qabto, wacad ma xidho, diin iyo milad iyo iimaan lahayne intu afka soo dhigto looga tago oo la yidhaa hooyoo ku go’

Imika wuu ogyahay in aanu ka qaadi karin Mayoro dadkii doortay iyo Golayaashii doortayba wid ka leeyihiin waraabaha eh malaha cid buu ku ruxruxanayaa uu leeyahay iga laaluusha. In laga laaluushana waa laga yaabaa waayo wuu u bartay kol la laaluusho iyo kol wax laga laaluusho ilayn waa laaluush ku nool bakhti cun ahe. Baarlaman iyo Gole Degaan ugu dambaysta waxa xaq u leh keliya Golaha ay ka tirsan yihiin oo u codeeya 2/3( laba dalool) isku raaca. Qof kuma laha Golaha Degaanka ee Gebilay iyo ka Berbera midna hal xubin kuma laha. Hadii uu si kale uga qaadi karayo ama ay jirto cid uu isku halaynayo oo ugu qaadi karta waxan leeyahay marna taagtaa marna tamartaa

Load More Related Articles
Load More By admin
Load More In Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also

Dawladda Denmark Oo Doorashada Madaxtooyada Ku Tilmaantay Tijaabo Lagu Eegayo Horumarka Somaliland Ee Dimuqraadiyadda

Hargeysa(Sayruuq)-Dawladda Denmark oo ka mid ah dalalka taageera nidaamka dimuqraadiyadeed…