“Wali Colaadda Somaliland & Puntland Cid Looma Dirin,” Cabdiraxmaan Cabdishakuur

0
466 views
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Dhalliilay Warqadda Xukumadda Farmaajo Deeqaha Ugu Diidayso Somaliland

“Wali Colaadda Somaliland & Puntland Cid Looma Dirin,” Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Siyaasiga mucaaradka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xukumadda Farmaajo iyo Khayre ku eedeeyay in lacago laaluush ah loo qaybinayo xildhibaannada Soomaaliya iyada oo aan waxba la tarin dadka wabiyadu ku fataheen lagana jawaabin cabashooyinka maamul goboleedyada.

Qoraal uu baahiyay ayuu ku sheegay in aanay xukumadda Muqdisho cid damisa u dirin xiisadda u dhexeysa Hargeysa iyo Garoowe ee ku saabsan muranka dhanka dhulka.

Qoraalkiisa ayaa u dhigan sidan:-

“Booqashadii Dooxa ka dib waxaa xildhibaanada loo qaybiyey lacag gaaraysa $1645,000 (Hal malyan lix boqol iyo afartan iyo shan kun oo dollar). Lacagtaas mushaar maaha mana marin habraaca maaliyadeed ee dawliga ah ee kaash ahaan ayaa loo qaybiyey. Waa masuuliyad daro tii ugu wayneed in dalka oo fatahaad iyo colaad ku jira hantida qaranka lagu takrifalo, iyadoo uu ujeedku yahay af wax cunay ka xishoodsii oo yaanan la isla xisaabtamin.

Weli dawladu ma bixin lacagihii ay u balanqaaday fataahada Hiiraan, weli burburkii Muqdisho soo garaay wax wayn lagama qaban. Weli cabashadii dawlad Goboleedyada ee balanqaadkii dhinaca amniga iyo kaalmo la’aan dhaqaale waa sidiisii, weli colaadda sokeeye ee Puntland iyo Somaliland cidna deminteeda looma dirin. Dhinaca kale, horjoogihii kooxda xagjirka ah ee Alshabaab ayaa ku faanay in Madaxweynihii qaranka uu qirtay in laga adkaan waayeen, isagoo sabab uga dhigay caqiido la’aanta ciidanka Soomaaliyeed.

Waxgaradka Ahlu Xal Wal Caqdiga ah ee damiir iyo dadnimo leh waa in ay masuuliyadooda qaataan.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here