Walaac Ka Soo Kordhay Dekedda Berbera

0
452 views
Walaac Ka Soo Kordhay Dekedda Berbera

Walaac Ka Soo Kordhay Dekedda Berbera
Khatarta Ka Dhalan Karta Dil-dillaacyo Ka Dhex Muuqda Gudaha Dekedda Berbera iyo Codsi Khuseeya Shirkadda Dp World oo Siilaanyo u La Tagay Madaxweynaha.
Hargeysa(Sayruuq):-Madaxweynaha Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan deg-deg ah oo uu iskugu yeedhay xafiiskiisa kula yeeshay madaxda Dp World iyo kuwa Somaliland ee dekadda Berbera ka dib markii ay soo if baxeen cabashooyin tiro badan oo muddooyinkii dambe ka soo yeedhaayey ganacsatada kala duwan ee ka adeegata dekadda iyo weli ba sida oo kale bur-bur la sheegay in uu ka jiro gudaha dekadda Berbera.

Kulankan oo Madaxweynahu xoogga ku saaray siddii ay guddiyaddaasi xog-rasmi ah uga siin lahaayeen hawlaha shaqo ee ka socda dekadda, waxyaabaha ku soo kordhay, waxa u qorsheysan iyo xalinta cabashooyinka ka soo yeedhaya ganacsatada, ayaa ka dib kulankaasi oo ay guddidu la hadashay Warbaahinta aanay ku sheegin wax cad oo la tilmaami karo oo ku soo kordhay dekadda Berbera tan iyo wakhtigii ay maamulka shaqada dekaddaasi la wareegtay shirkadda Dp World balse waxa kale oo ay guddidaasi sheegtay in dhinaca Somaliland la soo iibiyey Taag ay dekaddu isticmaalayso oo lagu beddelay mid hore dekaddu u isticmaali jirtay muddo dheer.

Mas’uul u hadlay shirkadda Dp World, ayaa sheegay in muddo dheer oo sannad ah ka dib oo ay shirkaddasi maamulaysay dekadda Berbera ay hadda qorsheynayaan ballaadhinta iyo casriyeynta dekadda Berbera, waxaana uu yidhi:- “Anaga oo kulanney Madaxweynaha oo ka kooban Dp World iyo qeybta Free Zone ka oo Madaxweynahu noo yeedhay iskaga na waraysanay, waxa aanu Madaxweynaha la socodsiinay sida ay wax u socdaan iyo dekadda oo kana soo qeyb-galeen saddex Maareeye e’ Maareeyaha Haamaha cusub, Maareeyaha Free Zone ka iyo Maareeyaha Dekadda Berbera. Anigoo ku hadlaaya magaca Dp World Berbera waxa aanu aad ugu mahad-naqeynaa Madaxweynaha, wada-shaqeyn wanaagsana waanu wada yeelan doonaa, hore na waa aanu u yeelanay, waxa aanu u sheegaynaa umadda reer Somaliland in meel kasta oo ay joogaan in shaqaddii Dp World iyo Free Zone kii ay bilaabmi doonaan haddii Alle ka dhigo oo October uu Madaxweynahu dhagax dhigi doono, dekaddii iyo ballaadhinteedii oo 400 Metre lagu daraayo oo qeybo kala duwan ka kooban oo wax kasta oo dekad casri ah lihi ay bilaabmi doonto sida oo kale na ay soo dhammaatay wixii hawlo ah ee ku xeernaa oo dhan.”.

Mas’uul kale oo isna u hadlay dhinaca Free Zone ka, ayaa isagu na tibaaxay in Somaliland ay soo iibsatay Taag ay dekaddu isticmaalayso isla mar ahaantaana ay wakhtigan diyaar u yihiin ka shaqeynta iyo horumarinta dekadda Berbera, waxaana uu yidhi:- “Waxa aan aad iyo aad ugu mahad-naqeynaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo maanta(Shalay) iskugu kaaya yeedhay shir dhammaan mas’uuliyiintayaddii ka shaqeynaysay dekadda, gaar ahaan saddexda Maareeye iyo weli ba labada guddi ee kuwa Free Zone ka iyo kuwa Dp World, waxa aanu umadda Somaliland u sheegaynaa in dhammaan mas’uuliyiintaasi ay hawl-galkii bilaabeen, hawshaana aanu ku rajo weynahay in ay aad uga shaqeyn doonto oo Free Zone kii uu qorshahiisii innoo dhammaaday, waxa kale oo Alle mahaddii ah in Taaggii uu innoo yimi, oo kan aynu ku beddelan doono kii aynu isticmaalaynay illaa iyo 1997kii kaas oo tayo badan u kordhin doona shacbi weynaha iyo ganacsatada Isctimaalaysa dekadda Berbera, waxa aynu og nahay, Taaggaas na waxa soo iibsatay Somaliland oo iska leh, waxana aan rajeynaynaa in aynu si wacan uga faa’ideysan doono dekaddeena isha Allah.”.

Qaar ka mid ah ganacsatada ka adeegata dekadda Berbera, ayaa iyagu muddooyinkii dambe cabasho ka muujinaayey adeegyada dekadda oo ay sheegeen in ay dhibbaato kala kulmaan in ay badeecadahooda ay kala baxaan dekadda Berbera, waxaana ay sheegeen in dhibbaataddaasi ay arkeen muddadii ay shirkadda Dp World gacanta ku haysay dekaddaasi.
Cabdi Maxamed Yuusuf oo ah gaadiidleyda ka adeegata dekadda Berbera una waramaayey Idaacadda BBC da, ayaa waxa uu yidhi:-“Gaadhiga aan wataa waa Candho-meydle oo muddo toddoba cisho ah ayaanu kuyuu ku jirnaa, lacagtii na waa na laga qaadey, waxa adag la bixitaankii aanu la bixi lahayn badeecada aanu dooneyno, xilli walba waxa na laga qoraa waa fayl, faylkaasi na na laga qoro maalintii na habeenkii baa la jeex jeexaa oo suuroobi waayey kaasi, baabuurtiina intaas way soconaysaa, waxaanan ka cabaneynaa wixii lacagtiina waa na laga qaadaa waxna waa ay noo soo bixi la’ yihiin, waxaas oo dhibbaato ahina waxa ay dhacayaan waa intii ay shirkadda Dp World ay qabsatay dekadda.”.
Maareeyaha Dekadda Berbera Md.Siciid Xasan Cabdillaahi oo isagu na la hadlay Idaacadda BBC da, ayaa dekadda aad uga difaacay cabashooyinkaa ka soo yeedhaya ganacsatada, waxaana uu ku sababeeyey in dekadda ay u sameeyeen nidaam cusub.
“Runtii dadka waxa deeqa caddaalad, waxa aanu sameynay nidaam la yidhaa Booking(Buukin) oo berigii is dhex-yaac bay ahayd balse imika sida loo soo kala horreeyo uun baa loo kala hor baxayaa, markaa dhib kale mar jirto se nidaam iyo hab cusub uun baa loo sameeyey.”. Ayuu yidhi Siciid Xasan Cabdillaahi.

Dhinaca kale, wararka Wargeyska Waaberi uu ka helaayo gudaha dekadda Berbera iyo sida ay muujinayaan sawiro laga soo qaadey gudaha dekaddaasi, ayaa laga dheehanayaa burbur ku yimi gudaha dekadda, gaar ahaan halka la yidhaahdo dekadda Mareykanka ama Ruushka oo la sheegay in burbur iyo dil-dilaac aad u badan ay yeelatay sida oo kale na ay sababi karto khatarta ah in biyaha baddu ay halkaas ka soo boodaan.

Qaar ka mid ah ganacsatada ka adeegata dekadda oo la hadlay Wargeyska Waaberi, ayaa waxa ay yidhaahdeen. “Haa walaalo arrintaasi waa ay jirtaa, burburkaas na waa uu jiraa oo waa dhinaca dekadda Ruushka ama Mareykanka oo dil-dillaac weyn bay yeelatay, meelaha qaarna iyaga ayaaba Koontiinaro ku qariyey si aan loo arkin, waana khatar runtii oo haddii dil-dillaacaasi uu sii ballaadho dee biyaha badda ayaaba ka soo boodi kara meelahaas.”. Ayuu yidhi Ganacsade Cali oo la hadlay Wargeyska Waaberi.

Ugu dambeyntii, Xildhibbaan Qabile oo la hadlay Hadhwanaagnews, ayaa sheegay in Madaxweynihii hore ee Mudane Siilaanyo uu cod khuseeya DP World u la tagay Madaxweyne Muuse, kaas oo uu kaga codsadey in mudada maamulka loo kordhiyo shirkadda Dp World.

“Waxa jira in Madaxweynahii hore ee Axmed Siilaanyo oo mas’uul ka ahaa boobka dalka ka dhacay ayaa maanta ku soo guryo noqdey dalka isaga oo talo uu sidda Muuse Biixi kuna yidhi laba sannaddood u kordhi Dr World ballaadhinta dekadda laga gaadhsiinaayee waana ayaan darro, arrinkaasi na waxa aan maqlay Muuse waa uu ka walaacay mana hubo in uu taladaas ka yeelay iyo in uu ka diiday.”. Ayuu yidhi Xildhibbaan Qabile
Source: Wargeyska Waaberi
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.