Wakiillo Xisbiyada Ingiriiska Ka Socda Oo Hargeysa Soo Gaadhay

0
473 views
Wakiillo Xisbiyada Ingiriiska Ka Socda Oo Hargeysa Soo Gaadhay

Wakiillo Xisbiyada Ingiriiska Ka Socda Oo Hargeysa Soo Gaadhay

Hargeysa(Sayruuqnews) Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ku soo dhawaysay xildhibaanno ka socda baarlamaanka Ingiriiska. Xildhibaannadan ka kooban xisbiyada kala duwan ee Ingiriiska ayaa ujeedkooda lagu sheegay xaqiiqo raadin ku saabsan qaddiyadda Somaliland si ay u taageeri karaan.

Xildhibaanadan ayaa la filayaa inay kulan la yeeshaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo weliba xisbiyada siyaasadda iyo labada shirgudoon iyo baarlamaanka, waxaanay si gaar ah diiradda u saarayaan meelaha ay Somaliland u baahantahay in si gaar ah looga caawiyo, maaddaama oo ay dhawr bilood ka hor ka soo baxday doorashadii madaxtooyada.

Wasiirka arrimaha dibadda Dr Sacad Cali Shire ayaa soo dhaweeyay weftiga Ingiriiska ah “Waxa maanta runtii sharaf inoo ah in aynu dalkeena ku soo dhawayno xubno ka socda baarlamaanka Ingiriiska oo ah xubnaha firfircoon ee baarlamaanka inaga taageera. Waxay u yimaaddeen xogogaal in ay noqdaan oo waraystaan dad badan oo reer Somaliland ah, taban sanno ka hor ayay mar inoo yimaadeen marka aad baynu u soo dhawaynayna uguna mahadcelinayna.”

“Waxaanu ka kala socona dhammaan xisbiyada Ingiriiska. Waanu ku faraxsan nahay in aanu halkan nimaadno. Waa markii u horaysay ee xubno ka kala socda xisbiyada Ingiriisku bookhasho rasmi ah ku yimaaddaan Somaliland muddo 10 sanno ah. Inta aanu joogno waxaanu la kulmi donna xukumadda, baarlamaanka, ururada bulshada si aanu u darisno caqabadaha jira,” Sidaas ayuu yidhi xildhibaan Stephen oo u hadlay weftiga mudaneyaasha Ingiriiska.

Danjiraha Somaliland u jooga Ingiriiska Marwo Ayaan Cashuur ayaa sharraxday muhiimadda socdaalka xildhibaannada Ingiriiska “Runtii wax weyn bay inoo tahay in wefti baarlamaanka Ingiriiska ka socda oo rasmi ah inoo yimaaddan 2007 ayaa inoogu dambeysay. Ujeedada ugu weyn ee ay u yimaaddeena waa in ay u kuur galaan xaaladda Somaliland sida ay tahay waayo? Qofku si uu ku difaaco waa in uu xaaladdaada ogaado oo la hadlo dawladda, baarlamaanka, mucaaradka iyo muxaafadkaba. 3 cisho ayay joogayaan oo ay la hadlayaan Somaliland dawlad iyo bulshaba marka wax weyn bay noo tahay,” sidaas ayay tidhi Amb Ayaan.

Safiirka oo wax laga waydiiyay in weftigan Somaliland ka taageeri doono citiraafku waxay ku jawaabtay “Runtii haa, Ingiriisku waa dalka ugu caawimo badan Somaliland marka Midawga Yurub la eego inkasta oo aanu ina citiraafin. Xildhibaannadu iyaga dalka ku cadaadiya oo odhanaya maxaa dalka loo citiraafi waayay? Marka xildhibaannada aad taageerada ka haysata waxay mar walba kaa caawinayaan in ay dawladdii caddaadis kuu saaran.”

Halkan ka daawo muuqaalka warkan

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here