Wakiillada Oo La Horkeenayo Qaraar Lagu Soo Celinayo Haamaha Shidaalka

0
532 views
Golaha Wakiillada: Hal Diidaysa Geed Ay Ku Xoqato Ma Waydo

Wakiillada Oo La Horkeenayo Qaraar Lagu Soo Celinayo Haamaha Shidaalka

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil oo ah guddoomiyaha guddida degaanka ee golaha wakiillada Somaliland ayaa sheegay in ay gole weynaha soo hor dhigayaan go’aan madaxweynaha lagu waydiisanayo in Kaydka Haamaha Shidaalka Somaliland ee Berbera lagu soo celiyo gacanta dawladda. Haamaha ayay xukumaddii hore ku wareejisay shirkadaha shidaalka keena oo isbahaystay waxaana dhawaan la sheegay in ra’isal wasaaraha Somalia saami ku leeyahay.

Maalmihii u dambeeyay waxa lagu shubay haamaha shidaal xun oo waxyeelo gaadhsiiyay gaadiidka dadweynaha iyada oo dad badan baabuurtooda xareeyeen si ay uga badbaadaan shidaalka xun.

“Waxaanu soo dhigaynaa Isniinta ugu danbaynta qaraar kale oo aanu madaxweynaha leenahay waa in aad fulisaa go’aankii golaha oo gacanta dawlada lagu soo celiyaa haamaha shidaalka,la’lana xisaabtamo nimankan oo wax alle iyo waxii ay dhaqaale iyo cashuur lunsadeena odhat la galiyo oo lagula xisaabtamo, haday wax sheeganayaan sharci daro ayay ku sheeganayaan oo waa ay u badheedheen oo ma laha sharci ay ku cawdaan, haday yidhaahdaan waxbaanu galinay cid la og iyo heshiis sharci ahi toona ma jiro, waa niman ugu badheedhay waxoodii wax ka badan inay intaas kaga helayaan,madaxweynaha waxaanu leenahay qaraarkan waanu dhigaynaa golaha, waadigii sharcigaa saraynaaya ugu horaysiiyay hadaladaadiiye, markaanu qaraarkaas soo saarno fuli,ninka miskiinka ah ee gaadhigii lagaga shubay isaguna  meel uu u dacwoodo ma laha,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaanku.

Waxa kale oo uu sheegay in haamuhu halis ku yihiin bad qabka dekedda iyo magaalada Berbera loona baahan yahay in laga durkiyo ”Dalku waxa uu saaran yahay mindi afkeed, riboodkii ugu danbeeyay ee gudidayadu soo qaaday waxa uu ahaa in haamaha shidaalka laga fogeeyo 15 Km ilaa 20 Km, iyada oo aanu taas ka cabaadaynay ayaa lagu soo daray gaastii oo haamo looga dhigay waana hala isla  ollolo, magaalada iyo dekeduba khatar ayay ku jiraan,” Sidaas ayuu yidhi xildhibaanka oo Bulsho u warramayay.

Source: Geeska Afrika

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.