Waddani Oo Shir Qaran Qabanaya

“Doorashadii hore way dhammaatay, waanu aqbalay, Waddani wuu aqbalay oo hadal kama tannagna laakiin, doorashooyinka,”

0
92 views
Waddani Oo Shir Qaran Qabanaya

Waddani Oo Shir Qaran Qabanaya
Hoggaanka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani iyo guddida fulinta ayaa shalay kulan ay yeesheen kaga dooday khudbad dhawaan madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi bulshada la wadaagay oo uu ku taabtay doorashada. Waxa kale oo madaxda Waddani wax iska waydiisay xisbiga Kulmiye oo muujiyay in doorashadu dib u dhacayso sida uu sheegay guddoomiye xigeenka Waddani Dr Maxamed Cali Cabdi.

Hoggaanka Waddani waxa uu sheegay in doorashada qorshaysnayd bisha Maarij ee sanadka soo socda oo ay ka hadhay 5 bilood muuqato in ay dib u dhacayso. Waxa uu sheegay in aan la aqbali Karin in mar kale ay muddo kordhin ku sii fadhiyaan Wakiillada, guurtida iyo goleyaasha degaanka, islamarkaana dib u dhaca doorashadu dhaawacayso sumcadda Somaliland ee dhanka dimuqraadiyadda.

Musharraxa madaxweyne xigeen ee Waddani Dr Maxamed Cali Cabdi waxa uu sheegay in 7 bilood ka soo wareegtay markii xisbiga Waddani qaadacay ka qayb galka doorasho uu qabanayo Komishanka doorashada wakhtigan, islamarkaana uu codsaday in la kala diro “Madaxweynuhu cisho dhawayd wuu hadlay waxaanu ka hadlay doorashada iyo arrimo kale, doorashadii afkuu kala wareegaya oo kumuu dhawaaqin in ay dib u dhacday. Madaxweynuhu wuxuu bixiyay warbixin ma ay ahayn in uu warbixin bixiyo ee waxay ahayd in uu ga’aan cad keeno in doorashadu qabsoomayso iyo in kale, waxa se muuqatay marka la eego hadalkii madaxweynaha iyo hadalkii Kulmiye ee Shalay(Dorraad) in aanay doorashadu ku qabsoomayn wakhtigeedii,” Sidaas ayuu yidhi Dr Maxamed Cali musharax xigeenka Waddani.

Dr Maxamed Cali waxa uu sheegay in guud ahaan masuuliyadda dib u dhaca doorashadu saaran tahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi “Doorashadu in ay qabsoonto madaxweynaha masuul ka ah cid la wadaagtana ma jirto, wixii ka yimaadda dib u dhaca doorashada isaga ayaa masuul ka ah,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax xigeenka Waddani.

Xisbiga Waddani ayaa difaacay go’aankiisa ah in la kala diro guddida doorashada “Waa gar haddii xeer beegti laguu saaro oo aad deedafayso oo aad tidhaahdo ii gali maayan ciddaa garsoorka qaadaysa Islaam iyo Adduunkaba waa gar in la bedelo. Sida aanu hore u caddaynay mawqifka Waddani waxa weeye ‘Madaxweyne Komishanka kala dir, Komishan cusubna ha la magacaabo, waliba Komishan loo siman yahay oo saddexda xisbi u siman yihiin,” Sidaas ayuu yidhi Dr Maxamed Cali oo intaasi ku daray in aanay marnaba galayn doorasho guddida xilligani hagayso.

Guddoomiye xigeenka Waddani waxa uu sheegay in Waddani aqbalay doorashadii madaxtooyada, haddana uu danaynayo in doorashooyinka soo socda si hufan u qabsooman “Doorashadii hore way dhammaatay, waanu aqbalay, Waddani wuu aqbalay oo hadal kama taagna laakiin, doorashooyinka soo socda ayaanu rabna in ay si xalaal ah u dhacaan komishan kalena qabto, taas weeye mawqifkayagu,” Sidaas ayuu yidhi Dr Maxamed Cali.

Ugu dambeyn waxa uu xisbiga Waddani sheegay in haddii xal laga gaadhi waayo caqabadaha hor taaggan doorashada ay taageerayaan in talo Qaran la isugu yimaaddo “Haddii aanu aragno in aanay doorasho Kulmiye iyo madaxweynuhuba diyaar u ahayn dhibta ka timaadda xisbiyada mucaaradka iyo umadda Somaliland eegan mayso uun oo fadhiyi mayse wixii laga fursan waayo ba la yeelaya. Waxa muuqata oo lagama maarmaan noqon doonta in la isu yimaaddo oo talo guud, talo Qaran umaddu isugu timaaddo oo la tashado oo go’aanku halkaas ka soo baxo,” Sidaas ayuu yidhi Dr Maxamed Cali.

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa hore ugu baaqay in ay talo Qaran qaban doonan xisbiyada mucaaradku haddii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi keeni waayo xal lagu qaban karo doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.