WADDANI Oo Awdal Ka Bilaabay Nidaam Cusub Oo Lagu Diwaangelinayo Xubnaha Xisbiga

0
300 views
WADDANI Oo Awdal Ka Bilaabay Nidaam Cusub Oo Lagu Diwaangelinayo Xubnaha Xisbiga

WADDANI Oo Awdal Ka Bilaabay Nidaam Cusub Oo Lagu Diwaangelinayo Xubnaha Xisbiga

Boorama (Waaberi) Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa Caasimada Gobolka Awdal ee Boorama ka Daah furay Barmaamij lagu diiwaangelinayo taageerayaasha Xisbiga Waddani, isla markaana lagu siinayo kaadhka aqoonsiga xubimamadda Xisbiga WADDANI, waxaana xaflad lagu Daah furayey ka qayb galay Xog-hayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga WADDANI..

Munaasabadan lagu Daah-furayey Barmaamijka Diiwaangelinta iyo qaadasha kaadhka Xubinimada Xisbiga WADDANI, ayaa ka qaybsoontey Huteelka Rays ee magaalada Boorama, waxaana ugu horrayn halkaasi ka haddlay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Gobolka Awdal.

Waxaana kamid ahaa haddaladiisa “ Mudane xoghaye Barmaamjika aad u timi gobolka Awdal, waxaanu kaaga mahad-naqaynaa in aad Boorama u dooratay inay noqoto magaaladii koobaad ee laga daah-furo barmaamijkaasi, taasina waxay noo tahay sharaf, waxay noo tahay ididiilo, waxaad noo muujisay jacayl, waan kusoo dhaweynaynaa, waxa kale oo tahay xoghayihii ugu horeeyey ee Xisbiga WADDANI ee howlo shaqo iskii isagoo ah oo aan Guddoomiyuhu la socon u yimaada gobolka Awdal aad iyo aad ayaan taasina kaaga mahad-naqaynaa,” Ayuu yidhi Cabdikariin Muuse Maal

Waxa isna halkaasi ka haddlay Siyaasi Xasan Codyare oo kamid ah masuuliyiinta Xisbiga WADDANI, waxaanu sheegay in barmaamijkani muhiim u yahay isku xidhka xisbiga” Hadaan hoos laga bilaabin kor lagama keenee hoos ayaa laga bilaabayaa, waxaana la isku xidhayaa min Tuulo, Degmo,Gobol,Qaran iyo debad-ba sisilad isku xidhan ayay noqonaysaa oo laga xusho had iyo jeer ee aan la baadi goobin, laakiin uu noqdo dad la diyaariyey..”.. Ayuu yidhi Xasan Codyare..

Sidoo kalene waxa isna halkaas ka haddlay Prof: Qaasim Sheekh Yuusuf Tubeec oo isna kamid saraakiisha WADDANI waxaanu soo dhaweeyay nidaamkan cusub “waxaan aad iyo aad u jeclaystay figradan xoghayuhu waddo aad ayaan u jeclaystay, ma ogtihiin kolka aan xisaabino tiradii codaysay oo min hal dollar ah shan sano kama yaraanayso 16 milyan oo dollar,” Sidaas ayuu yidhi Prof Qaasim.

Gebagebadii Xafladaa lagu daah furayey barmaamijka qaadashada kadhka xubinimada Xisbiga WADDANI, waxa ka haddlay Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI  Khadar Xuseen Cabdi oo tafaasiil ka bixiyay barmaaijkan “ curintii ayaynu doonaynaa in aynu samayno Xisbiyada kalena ha inagaga daydaan, curintaa waxa koobaad ee aynu ku bilaabaynaa waxa weeye Xisbigu wuxuu leeyahay guddi fulineed wuxuu leeyahay hoggaan wuxuu leeyahay golle dhexe, laakiin xubno rasmi ah Xisbiyaddu malaha oo Diiwaangashan, markaa waxa aanu abuurnay ‘Data base’ aanu ugu talo galnay in aanu abuurno Xubinimadii Xisbiga oo ballaadhan oo wadanka oo dhan ah, Boorama Caawa ayeynu ku daah furaynaa.”

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.