Waddan Afrikaan Ah Oo Ka Cadhooday Xasuuqa Israaiil

0
682 views
Waddan Afrikaan Ah Oo Ka Cadhooday Xasuuqa Israaiil

Waddan Afrikaan Ah Oo Ka Cadhooday Xasuuqa Israaiil

Ugu yaraan 52 qof oo Falastiiniyiin ah ayay dileen ciidamada Israa’iil waxaanay dhaawacyo u gaysteen ilaa 2500 qof oo ka mudaharaadayay Safaaradda dawladda Maraykanku u soo rartay magaalada barakaysan ee Qudus. Dadka mudaharaadaya ayay ciidamada Israa’iil si cadawtinimo le hula macaamishay.

Dawladda Koonfur Afrika ayaa ka cadhootay habdhaqanka dawladda Yuhuudda waxaanay u yeedhatay safiirkeeda Israa’iil. South Africa waxay cambaaraysay falalka ciidamadu kula kaceen mudaharaadayaasha Falastiiniyiinta.

Bayaan ka soo baxay waaxda arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee dawladda Koonfur Afrika ayaa lagu sheegay in weerarada u dambeeyay waxyeelo weyn gaadhsiiyeen muwaadiniinta Falastiin.

Dawladda South Africa waxay sheegtay in ay danjiraheeda Israa’iil Sisa Ngombane u yeedhatay ilaa amar dambe.

Source:Gaza protests: All the latest updates

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.