Waddamada Ugu Farxadda Badan Dunida Iyo Kaalinta Soomaalidu Ka Gashay

0
641 views
Waddamada Ugu Farxadda Badan Dunida Iyo Kaalinta Soomaalidu Ka Gashay

Waddamada Ugu Farxadda Badan Dunida Iyo Kaalinta Soomaalidu Ka Gashay

Qiimeyn ay sameysay hay’adda Qaramada Midoobey ee International Happiness ayaa lagu sheegay in Soomaaliya kaalinta Lixaad kaga jirto guud ahaan Qarada Africa wadamada dadkeedu ugu farxada badan yihiin, halka dunida oo dhanna Soomaaliya ay kaga jirto kaalinta 98aad.

Wadamada Qaarada ayaa sidan kaalimaha ugu kala horeeya Mauritius,Libya, Algeria, Morocco, Nigeria, Somalia, Cameroon, Gabon, South Africa, Ivory Coast.

Illaa iyo 156 dal ayaa warbixinta sanadkan lagu shaaciyay sida ay u kala galeen kaalimaha iyadoo la eegayo inta qofka uu noolaan karo,xoriyada,musuqmaasuqa, waxaana ugu horeeyay dalka Finland.

10ka Wadan ee liiska ugu hooseeya ku jira ayaa kala ah, Malawi, Haiti, Liberia, Syria, Rwanda, Yemen, Tanzania, South Sudan, Central African Republic, iyo Burundi.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here