“Waan Ka Warwarsanay Xiisadda Somaliland & Puntland,” Keating

0
508 views
Michael Keating Oo Sheegay In Bulshada Sool Xaq U Leedahay Go’aaminta Mustaqbalka Xiisadda Tukaraq
Danjire Michael Keating

“Waan Ka Warwarsanay Xiisadda Somaliland & Puntland,” Keating

Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland Ambasador Michael Keating ayaa kulan la qaatay hoggaamiyaha maamulka Puntland ee Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxaanu sheegay in uu kala hadlay xiisadda horraantii sanadkan Somaliland iyo Puntland ku dhexmartay degmada Tukaraq ee gobolka Sool iyo guud ahaan xasilloonida Gobolka.

Mr Keating wuxuu sheegay in uu warwar weyn ka qabo khilaafka u dhexeeya Somaliland iyo Puntland “Warwar ayaan ka qaba xiisadda Somaliland iyo Puntland ee Tukaraq, waanan ka wada xaajoonay, waxaanu waliba ka wada hadalnay xasilloonida guud gaar ahaana Puntland,” Sidaas ayuu yidhi Mr Keating.

Mr Keating iyo Cabdiwali Gaas sooma hadal qaadin xiisadda u dhexeysa xukumadda Farmaajo iyo maamulka Puntland waxaana wariyeyaasha loo diiday in ay wax su’aalo ah waydiiyaan. Cabdiwali Gaas ayaa si buuxda ula saftay xukumadda Imaaraadka oo ay kala jaqaafiyeen xukumadda Muqdisho fadhigeedu yahay waxaana loo arka in Mr Gaas ka talo goostay xukumadda Federaalka ah oo uu sheegay in aanay xaq u lahayn in ay kaligeed go’aammada gaadho.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.