Waalidiin Codsaday In La Sii Daayo Culimo 6 Bilood Xidhan

0
136 views

Waalidiin Codsaday In La Sii Daayo Culimo 6 Bilood Xidhan

Ehelada iyo waalidka dhalinyaro culimo ah oo muddo lix bilood ah xidhan ayaa taliyaha booliska Somaliland sarreeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan iyo xukumadda waxay ugu baaqeen in la sii daayo dhalinyaradaasi ama maxkamadda la geeyo oo lagu qaado wixii lagu haysto.

Booliska ayaa xilli hore xidhay dhalinyarada oo lagu eedeeyay in ay tababar ciidan ku qaateen masallaha Hargeysa waxaana lagu eedeeyay in ay falal argagixiso ah wadeen laakiin, waalidiinta ayaa sheegay in aan wali maxkamad la keenin waxaanay waalidiintan hadlay si weyn ugu baaqeen in Madaxweyne Muuse, xukumaddiisa iyo taliska booliska ugu baaqayaan in la sii daayo dhalinyarada oo ay sheegeen in aanay wax dambi ah lahayn.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.