“Waa Xaqiiq In Khayre Saami Ku Leeyahay Haamaha Berbera,” Xildhibaan Shire

0
490 views
Xil. Naasir Oo Sheegay In Xukumaddu Ka Caawisay Baadhista Musuqmaasuqa

“Waa Xaqiiq In Khayre Saami Ku Leeyahay Haamaha Berbera,” Xildhibaan Shire

Guddoomiyaha guddida ilaalinta hantida Qaranka iyo daba galka musuqmaasuqa ee golaha wakiillada xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa mar kale sheegay in ay hayaan xaqiiqooyin ku saabsan in ra’isal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre saami ku leeyahay shirkadda Som Oil oo qayb ka ah maamulka haamaha shidaalka Berbera.

Waxa kale oo uu dadka gaadiidkooda dhibku ka soo gaadhay shidaalka xun ee waddanka soo galay ugu baaqay in ay maxkamadaha ka dacwoodan ama la soo xidhiidhaan guddidooda si magdhaw loogu raadiyo dadka baabuurtoodii ku fadhiisatay shidaal xabag leh oo lagu shubay.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in khatar amni oo qaran jirto “Bal ka warrama haddii inaga oo xaalad dagaal ku jirna gaadiidkeena lagu shubo shidaalkan oo kale, waa khatar amni oo aan la dhayalsan Karin arrinta haamuhu,” Sidaas ayuu yidhi xildhibaanka oo u ololaynaya in gacanta dawladda lagu soo celiyo maamulka haamaha waxaanu dhalliilay shirkaddaha ku bahoobay maamulkeeda.

Halkan ka daawo shirka jaraa’id ee xildhibaan Naasir Cali Shire

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.