Waa maxay Qorsheynta Qoyska? Muhiim Barre

0
773 views
Waa maxay Qorsheynta Qoyska? Muhiim Barre

Waa maxay Qorsheynta Qoyska? Muhiim Barre

Qorsheynta qoyska waa ficil ku saabsan xakamaynta tirada carruurta ee qoyska iyo mudada u dhaxeysa dhalashadooda. Fikradaha casriga ah ee qorshaynta qoyska, si kastaba ha ahaatee, waxay u muuqdaan in ay gabadhu go’aankeeda kala dheereynta ubadku uu ku salaysnaanayo wada hadalka, iyada iyo saygeeda. Ka hawl wadeen caafimaad ahaan waa in aynu awoodnaa in haweenkeena ay helaan adeegyo iyo talooyin cafimaad oo ku wajahan qorsheynta qoyska si ay u gaadhaan go’aan cafimaad ahaan iyo maskax ahaanba waxtar u ah.

Caadi ahaan haweenka da’da yar ee ku jira da’da taranka ee dalalka soo koraya rabana inay kala dheereeyaan ama kala fogeeyaan uurkooda ma isticmalaan hababka casriga ah ee lagaga hortago ama lagu qorsheeyo uurka.

Qorsheynta qoysku waxay leedahay habab badan oo kala duwan, sida

  1. Habka la iska dhaafo,ama la joojiyo in lala ijmaaco lamanahaga amaba awood uu u leeyahay ninku inuu kala bixi karo biyihiisa farjiga ooridiisa. Habkani waa mid ka mid ah farsamooyinka qorshaynta qoyska ee da’da weyn in badana soo jirey.

2- Habka dareen ku xisaabtanka, waxa kale oo loo yaqaan habka jadwalka; waxa uu habkani u shaqeeyaa iyadoo la saadaalinayo maalmaha ay haweeneydu is leedahay waxay heli kartaa ugxanta iyada oo ka tusaale qadanaysa isbedelada ay dareemaan dumarku marka ay heleyaan ugxanta. Si aad u isticmaasho farsamadan, gabadhu waa inay qorto taariikhda caadadeeda dhowr bilood si ay u go’aamin karto goorta ama wakhtiga u haboon ee ugxanteedu soo baxdo.

  1. Habka qoyaanaanta ilmo-galeenka, sida habka hore ee aynu soo sheegnay ee haweenaydu ay xisaabsanayso wakhtigeeda cadada si ay u sadaliso xiliga ay ugxanta heleyso ayaa habkana uu la mid yahay waxaanay gabadhu sadalinaysaa maalinta ugu suurto gashan ama ay u badan tahay in ugxanteedu hesho xiliga ay ku jirto wakhitga ugxanta ay helayso ama ay ka maydhato dhiiga. Caadi ahaan maalmahan bacriminta ugxanta waxa isbedela dheecaanka ilmo galeenka waxaanu yeesha qaro ama adayg yar si uu u dahaado ugxanta la bacriminayo, tani ayay gabadhu ka qiyaas qaadan kartaa, iiyada oo si joogta ah u diiwaangelinta midabka, ama midabada joogtada ah ee dheecaankiisa farjiga gabadha.

Kuwani waa saddexda hab ee horeee qadiimiga ah amaba aan la isticmaalayn wax dawo ama qalab ah. waxaase jira habab badan oo lagu qorsheeyo uurka iyo kala korinta dhalaanka oo loogu talo galay inay haweenku isticmaali karaan, sida hababka casriga ah ee ay ka midka yihiin:

Kiniino isku dhafan

Dabool ama caag

Cinjirrada galmada ee dumarka

Habka maqnaanshaha ama (Implant)

Irbadaha Injection

Qalabka la dhigo gudah farjiga gabadha (IUD (coil)

Qalabka isna gudaha ee laga sameyey dheecanada IUS (Coil hormone)

Cinjirrada galmada ee labka

Qorsheynta qoyska dabiiciga ah

Nooca lagu isku dhejiyo ee loo yaqaan (Patch)

Kiniinka Progestogen-kaliya

Cinjirka wareegsan ee farjiga dumarka

1- Kiniinada isku dhafan

Kiniinka ka hortagga uur-qaadista ee caadiga ah waxaa caadi ahaan loo yaqaan “kiniinada isku dhafan”. Waxaa laga sameeyey dheecano macmal ah oo la mid ah kuwa caadiga ah ee haweenka haween sida progesterone, oo ay haweenku si dabiici ah u soo saari karaan ugxansidiyaasha.

Haweeneydu waxay uur qaadi kartaa haddii ugxanteedu ay la kulanto ugxanta ninka hadaba kiniinadani waxay ka hor tag u yihiin inay kulmaan labadaasi ugxamaood ee labka iyo dhedigu.

Waa maxay Qorsheynta Qoyska? Muhiim Barre

2- Qalabka ka-hortagga uur-qaadida ee u samaysan sida furka oo kale waa fur wareeg ah oo laga sameeyay macdanta siliconta waana mid khafiif ah oo jilicsan waxaana la geliyaa ferjiga gabadha intaanay galmadu dhicin. rabadhkani waxa uu daboola afka ilmogaleenka, waxaanu ka hor istaaga in shahwada ninku u gudubto ilmo galeenka.

Waa maxay Qorsheynta Qoyska? Muhiim Barre

3- Cinjirka galmada ee dumarka; haddii loo isticmaalo si sax ah, cinjirrada galmada ee dumarku waxay u shaqeeyaan 95% si waxtar leh. Cinjirku waxa uu ilaalin karaa shahwada ninku inay ay u soo gudubto xubinta gabadha, sidoo kale cinjirkani waxaa uu ka hortag u yahay cudurada galmada lagu kala qaado (STIs)

had iyo jeer soo iibso kondhom la hubo ayadiisa cafimaad gaar ahaan kuwa leh sumada (CE) ama (BSI Kitemark) oo ah kuwa ugu tayada fiican cinjirada dumarku isticmalan, calamadahan waxaad ka arki kartaa dusha sare ee kartoonka cinjirku ku jiro.

Hore ha ugu riixin ama ha ku sii cadaadin xaga hore ee farjiga, way fududahay in gabadhu si fudud isaga soo saari karto cinjirka marka ay dhamaystaan ijmaaca iyada iyo saygeeduba.

Waa maxay Qorsheynta Qoyska? Muhiim Barre

4-Qalabka ka-hortagga uur-qaadidda. (Nexplanon) waa ulo caag ah oo jilicsan oo la geliyo maqaarka hoose ee gacantaada waxaana kaa caawinaya dhakhtarkaaga ama kalkaalisadaada. Waxa uu dhiiga ku sii dayaa dheecanka Progestrone si looga hortago uurka. qalabkan waxa aad isticmaali kartaa oo uu shaqayn karaa ilaa 3 sanno

Wuxuu sii deynayaa hormoonka hormoonka hormoonkaaga ee dhiiggaaga si looga hortago uurka wuxuuna soconayaa 3 sano.

Waa maxay Qorsheynta Qoyska? Muhiim Barre

5-Irbadaha ka hortagga uurka (Depo-Provera, Sayana Press ama Noristerat) waa irbado laga soo dheegay dheecanada haweenayda waxaanay jidhka ku sii daayaan hormoonka progestrone si loo khalkhaliyo ama loo joojiyo cadada dhiiga loogana hortago uurka.

Irbada waxa dalkani UK la qaataa ilaa 13 usbuuc mararka qaarkoodna waxa la siin karaa nooca loo yaqaan Noristerat oo iyagu shaqeeya ilaa 8 usbuuc.

6- Qalabka ka hortaga uurka ee la dhigo gudaha farjagiga gabadha. IUD waa nooc ka mid ah aladaha lagaga hortago uurka waxaanu u qabaysan yahay ama u samaysan yahay sida xarafka T waxaana la dhigaa gudaha xubinta gabadha waxa uu ka samaysan yahay maadada Copper, taasi oo uu ku sii daayo jidhka gabadha si looga hortago uurka, isticmaalka qalabkan ayaa waxa kaa cawin doona dhakhtarka ama kalkaasida, noocani waa ka ugu mudada dheer uguna isticmaalka fiican waxa uu kuu shaqayn karaa 5 ilaa 10 sanno mid yar, qalab tufaax ah iyo qalab naxaas ah oo uurka ku jira (ilmo-galeenka) dhakhtarka ama kalkaalisada.

Waxay ka dhigeysaa copper si ay u joojiso inaad uur yeelatid ayna ilaaliso uur yeelashada inta u dhaxeysa 5 ilaa 10 sano. Waxaa mararka qaarkood loo yaqaan ‘coil’ ama ‘copper coil’.

Waa maxay Qorsheynta Qoyska? Muhiim Barre

7-Kondhomku ama cinjirka galmada ee ragu, si la mid ah kan dumarkua waa nooca keliya ee ka hortagi kara uurka sidoo kalena ka hortag u ah isu gudbinta xanuunada lagu kala qaado galmada.

8-Kiniinka “traditional” ee progestogen-ka keliya (POP) wuxuu ka hortagaa uurka iyada oo xoojiyo ama uu adkeeyo qarada xabka ama qoyaanka afka ilmo-galeenka si uu u joojiyo in shawhada ninku gaadho kana dabalato halkaa.

Noocani waxa u ka kooban yahay oo keliya dheecaanka progestrone waxaase mudnaan leh inaad si joogto ah u isticmaasho maalin walba, kiniinkan shaqadiisu waa inuu sidoo kale joojiyo in la soo saaro ugxan ama ay dhacdo bacrimini.

9-Cinjirka wareegsan ee loogu talo galay xubinta taranka haweenka (NuvaRing) waa cinjir yar oo jilicsan, oo caag ah oo aad gelinayso gudaha xubintaada.

Waxanu sii deyneyaa qiyaas go’ab oo hormoonada estrogen iyo progestogen isaga oo ku daraya ku jira dhiigga si looga hortago uurka.

Hababka qaar looga hortago uurku keliya kuma koobna shaqo ahaan uun in lagu hakiyo uurka, waxayse ka hor tag fiican u yihiin sidoo kale xanuunada lagu kala qaado uurka

Qorsheynta qoysku waxay fayo qab iyo koboc cafimaadba u tahay lamanaha iyoo ubadkay dhaleen iyaga oo wakhti iyo koriinba u helaya hadba inta ay haystaan ee ay u samaysteen qorshaha dhalmo.

Ugu dambayn waxaan farayaa lamanaha is qaba inay ku baraarugsanadaan faa’idada ay leedahay in qoysku yeesho qorshe carruurtana la kala koriyo.

Tixraac: http://www.who.int/…/publ…/family_planning/9780978856304/en/

Talo iyo tusaale waa idiin furan tahay, waxaanan jeclahay inaynu wadaagno xog ahaan dalkeena hababka u badan ee laga isticmaalo.

Waa maxay Qorsheynta Qoyska? Muhiim Barre

Diyaarintii: Muhiima Barre

W/T Marty Mohamed Shucayb

 

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.