“Waa La Ii Soo Hanjabay,” Xil. Naasir Cali Shire

0
353 views
Xildhibaan Naasir Cali Shire Oo Xilka Laga Qaaday

“Waa La Ii Soo Hanjabay,” Xil. Naasir Cali Shire
Hargeysa(Sayruuq) Xildhibaan Naasir Cali Shire oo madax u ah guddida ilaalinta hantida Qaranka iyo dabagalka musuqmaasuqa Golaha Wakiillada waxa uu sheegay in loo soo hanjabay kadib markii dhawaan guddidu shaacisay warbixin musuqmaasuq oo madax xukumaddii hore ka tirsan, shirkado iyo shakhsiyaad ku eedaysay lunsi hanti ummadeed.
Xubnaha la eedeeyay ayuu sheegay in eedoodu rasmi noqonayso marka maxkamadda lagaga caddeeyo ama hanti dhawrku baadhis ku sameeyo “ Eedaymahaas iyo dadkaas aanu magacownay imika waa eed waxaanu dambiga lagu caddayn kara marka hay’addaha garsoorka la geeyo ama hanti dhawruhu uu galo, marka waxaan kula talinaya in iyaguna ay is dejiyaan marka ay hay’addaha garsoorka, xeer ilaaliyaha iyo hanti dhawrku u yeedhana caddaymaha ay haystaan ay soo bandhigaan,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Shire.
Xildhibaanku wuxuu sheegay in intii hawshan ay socotay loo soo hanjabay inkasta oo aanu sheegin cidda u hanjabtay “Intii shaqadan aanu ku jirnay aniga waaba la ii soo hanjabay oo telefoonno ayaa la ii soo diray,” sidaas ayuu yidhi Xildhibaanka oo u warramayay telefishanka Eryal.
Xildhibaanku waxa uu sheegay in ay diyaar u yihiin guddi ahaan haddii shakhsiyaadka ay eedeeyeen maxkamad la tiigsadaan “Anagu wixii aanu soo bandhignay iyo wixii aanu sheegnay waxaanu hayna dhammaan caddaymahoodii,” Sidaas ayuu yidhi mudane Shire.
Guddoomiyaha guddida dabagalka Musuqmaasuqu wuxuu sheegay in ay dacweeyeen xildhibaan raalli gelin ka bixiyay warbixinta golaha “Xildhibaankaasi wuxuu ahaa xildhibaan gef ka galay golaha wakiillada; guddida kamuu mid ahayn, warbixinta muu soo dhigin, goluhuna wuxuu ansixiyay warbixinta aanu soo bandhignay iyada oo dhammaystiran waxaanay ahayd go’aan shakhsi ah oo uu isagu gaadhay waxaanu ku gefay xeer hoosaadka golaha isagana warqad baanu ka qornay oo waxaanu u gudbinay guddida anshax marinta golaha iyagaana tallaabo ka qaadaya,” Sidaas ayuu yidhi xildhibaanka oo ka hadlayay mudane hore u sheegay in goluhu raalli geliyay siyaasiga Cali Marreexaan.
Warbixintu shakhsiyaadka dawladdii hore ah ee ay tilmaantay waxa ka mid ah mashaariic ay ku lug lahaayeen Cali Marreexaan, Axmed Xaaji Daahir, Samsam Cabdi Aadan, shirkado iyo shakhsiyaad kale waxaanay warbixintu gilgishay siyaasiyiinta xilalka ka hayay xukumaddii hore. Codad sir ah oo laga duubay siyaasiyiin xukumaddii hore ah ayaa muujiyay in ay ka warwareen arrintaasi, iyada oo sidoo kale ay si weyn uga qayliyeen siyaasiyiinta la magacaabay.
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.