Waa Kuma Ra’isal Wasaaraha Cusub Ee Itoobiya?

0
1,061 views
Waa Kuma Ra’isal Wasaaraha Cusub Ee Itoobiya?

Waa Kuma Ra’isal Wasaaraha Cusub Ee Itoobiya?

Kulamo xaraaradoodu saraysay oo todobaadadii u dambeeyay u socday guddida awoodda badan ee fulinta iyo golaha dhexe ee xisbiga talada Itoobiya haya ee EPRDF oo ay ku midaysan yihiin xisbiga Oromada, xisbiga Tigrayga,xisbiga Amxaarada iyo xisbiga bulshooyinka Koonfurta waxa goor dambe oo Salaasadii ah si aqlabiyad ah loo doortay Dr Abi Axmed Cali in uu noqdo hoggaamiyaha xisbiga EPRDF waxaanu noqon doona ra’isal wasaaraha Itoobiya marka uu baarlamaanku ansixiyo. 108 cod ayuu helay 175 xubnood ee golaha dhexe.

  • Dr Abi Axmed waxa uu ka soo jeeda Oromada waana guddoomiyaha xisbiga Oromada ee OPDO oo dhawaan loo doortay waxaanu ku soo biiray 1980s.
  • Oromadu waligeed awoodda ma qaban waxaanay saddex sanno u mudaharaadaysay si ay xuquuqdeeda u hesho.
  • Hoggaamiyaha cusub waxa horyaalla caqabado waaweyn oo ah in uu sameeyo dib u habayn; qoomiyadaha ugu waaweyn ayaa cabasho ka qaba in qoomiyada tirada yare e Tigraygu maroorsatay awoodda Militariga, dhaqaalaha iyo dhulka ugu muhiimsan dalka.
  • Waxa loo arka siyaasi Karaamo leh oo leh aqoon sumcadna ku leh heerka uu ka gaadhay Militariga. Waxa uu ka soo shaqeeyay Militariga isaga oo xirfad fiican u leh nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka soona hoggaamiyay hawlgal nabad ilaalin ah oo Rwanda ah.
  • Waxa uu aasaasay waaxda ammaanka Internetka ee Itoobiya sanadihii 2009 ilaa 2012 isaga oo noqday wasiirka tignoolajiyadda iyo sayniska.
  • Waxa loo arka siyaasi cod kar ah ah oo tayo fiican leh kuna fiican hoggaaminta talo wadaagga.
  • Wuxuu ahaa siyaasiga ugu da’da yar afarta musharrax ee u ordayay ra’isal wasaarenimo waana 42 jir.
  • Marka loo eego gobolkiisa Oromada waxa la rumaysan yahay in uu taageero balaadhan ka haysto dhalinyarada iyo qoomiyadaha kale laftooda.
  • Waxa uu ka hadla saddex ka mid ah luuqadaha Itoobiya waxaanu shahaadada Doctorate ka haysta ammaanka(Peace and security) jaamacadda Addis Ababa.

Sida Oromadu U Aragto hoggaamiyaha Cusub halkan ka dheeho

 

Sources

Africanews

Reuters Africa

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here