Waa Kuma Nicholas Haysom Wakiilka Cusub Ee Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somalia?

0
675 views
Waa Kuma Nicholas Haysom Wakiilka Cusub Ee Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somalia?
Xoghayaha cusub iyo xoghayihii hore

Waa Kuma Nicholas Haysom Wakiilka Cusub Ee Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somalia?
Hargeysa(Sayruuq) Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Arbacadii (Sep, 12-2018) waxa uu wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya u magacaabay Nicholas Haysom oo xilka kala wareegaya Michael Keating 1-da bisha October.

Nicholas Haysom waxa uu hadda ahaa wakiilka Suudaan iyo Koonfurta Suudaan ee UN-ta waxaanu u dhashay dalka Koonfur Afrika. Waa Looyar 66 jir ah oo ku xeel dheer arrimaha caalamiga ah gaar ahaana xoogga saaray dawladnimada dimuqraadiga ah, dastuurka, dib u habaynta doorashooyinka, dib u heshiisiinta iyo hannaanka nabadaynta.

Waxa uu Qaramada Midoobay u qaabilsana Afganistan 2014-2016, isaga oo ku xigeennimada Afganistan ka soo shaqeeyay 2012-2014. Waxa kale oo uu ahaa agaasimaha siyaasadda, nabad ilaalinta iyo arrimaha bani’aadanimo ee Qaramada Midoobay 2007-2012, waxa kale oo uu ahaa madaxa xafiiska taageeridda shuruucda ee Ciraaq 2005-2007.

Waxa kale oo uu shaqooyin nabadayn ah ka soo qabtay Suudaan, Burundi iyo Koonfur Afrika waana aabe shan carruura leh.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.