“Waa In Siilaanyo La Xisaabiyo,” Sul. Sabayse

0
620 views
“Waa In Siilaanyo La Xisaabiyo,” Sul. Sabayse

“Waa In Siilaanyo La Xisaabiyo,” Sul. Sabayse
Hargeysa(Sayruuq) Suldaan Mawliid Cali Ibraahim (Suldaan Sabayse) ka mid ah madax-dhaqameedka Subeer Awal, ayaa ku baaqay in Hantida Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo lagu daro hantida la soo celinayo, islamarkaana baadhis lagu sameeyo. Waxa uu si weyn u soo dhaweeyay diwaangelinta iyo soo celinta hantida Qaranka waxaanu ku baaqay in aan cidna looga habran hantidii sida sharci darrada ah dalka looga boobay xilligii Siilaanyo.

Suldaan Sabeyse oo ka mid ah madaxda dhaqanka ee beesha madaxweyne Biixi wuxuu sheegay in mucaarad iyo muxaafadba laga midaysan yahay soo celinta hantida umadda “Beryahan dambe xogaa caddaalad ah ayaa soo iftiimaysa, waxaan maqlayey Doraad wasiirka Hawlaha guud oo yar Calaa-calaya, waxaan leeyahay Wasiirka, Wasiir ha calaacalin Hantida Qaranka Shacabka Somaliland maanta muxaafid iyo mucaarad midna ma kala laha nin waliba wuxuu sugayaa Hantida Qaranka in la soo celiyo astaan kasta oo ay leedahay Hantida Qaranka hala soo celiyo macaa ta Madaxweynaha lafteeda ayaan leeyahay dib u eegis ha lagu sameeyo waayo wadanka fawdo ayaa ka dhacday 7-dii sanadood ee u dambeeyey “ Ayuu yidhi Suldaan Sabayse oo daba socday hadal uu dhawaan wasiirka hawlaha guud jeediyay markii la waydiiyay in wasiirkii hore ee madaxtooyada Maxamuud Xaashi gurigiisa la diwaangelinayo.

Suldaanka ayaa ugu baaqay Wasiir Qambi in aanu u joojin dadka hadlaya ama hanjabaya, balse uu ku dhiirado soo celinta Hantida Qaranka Somaliland ee sifaha khaldan gacmaha shacabka u gashay,waxaanu xusay in ilaa hantidda Siilaanyo la soo celiyo “Wasiir hadii ay cidi meel ka hadasho gamaara gurdaysta hore ha ka yaacin ee hala xisaabiyo oo Hantidii Qaranka dadka ha loo soo celiyo dadka caddaalad ayaa deeqda al-caddaala, caddaalad ayaa soo iftiintay dadka waad ogtihiin lixda gobol ee Somaliland waxay isku raaceen waxa jira in hantidii qaranka gacanta lagu soo celiyo, Madaxweynuhu go’aamadii uu ka qaatay aad ayey dadku u soo dhaweeyeen annana waanu ku raacsanahay Markaa waxaan leeyahay taa lafteeda yaan loo calool jilaycine Hantidii Qaranka Gacanta ha lagu soo celiyo, dadku waxay wada leeyihiin waa qaranimada weeye,waxa nin jeebka ku qaato dadku ma wada laha, markaa Hantida Qaranku 7 sanadood ee ugu dambeeyey si fooqal sharci ah ayey ku baxaysay gacanta qaranka , wasiirku wuxuu yidhii wuxuu Madaxweyne saxeexay taa waxaan leeyahay macaa ta Madaxweynaha lafteeda dib u eegis ha lagu sameeyo, ta kalena deg deg uga soo ururiya, sharcigana nina sharciga kama sareeyo, ninka yidhaa sharciga ayaan ka sareeyaa adeer wax-ba jiri maayaan.”

Geesta kale Suldaan Sabayse ayaa ka hadlay tabashada saami qaybsiga Xukuumadda Madaxweyne Biixi, waxaanu xusay in looga fadhiyo Madaxweyne Muuse inuu dadka caddaalad ku hoggaamiyo isaga oo dadka qaar cabanaya u sheegay in aan loo joojin doonin “ Horta aduunyada kama dhammaato baahiyi weligeed wey jiraysaa cabashada iyo tabashadu wey jirayaan, laakiin waxa weeye lafna siday u jabto uma kabanto todobadii sano ee u dambeeyey sidaynu ku jirnay iyo sidaynu maanta waa laba aad u kala durugsan, waxaan leeyahay Dowladana xil laga wada helimaayo oo beelo dhan oo waxa laga yabaa maal iyo codba kaga baxeen in aanay xilba ka hayn xilkana shaqsi ayaa hela Dadka a waxa deeqaa waa cadaalad, Dadku cadaalad ayey u baahanyihiin ninka shaqo tegayaa naagtiisa ayuu u shaqo tegayaa dadka kale waxba ka siin maayo, lakiin inagu waxaynu ka rabnaa Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa inuu dalka Cadaalad ku hoggaamiyo oo cadaalad daradii ummadan ragaadisay uu meesha ka saaro .”

Waxaanu intaasi raaciyey suldaanku.“ Dadka u calaacalaya haddii aanu reer habelnahay waa na lagu yareeyay , waxaan leeyahay waad iska riyoonaysaan adeer tii hore ayaaba la isku haystaa sadbursiinteedii hore ayaaba la isku haystaa Boobkeediina aanu leenahay hala soo celiyo, markaa hanti qaran ninowna ha u calaacalin, laakiin caddaalada aynu ku dhimano ayaan leeyahay.”

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.