“Waa In Komishanku Iscasilo,” Prof Cabdi Cali

0
390 views
Maxaa Na Kala Qabsaday Aniga iyo M/weyne Bixi!!
Prof Cabdi Cali Jaamac

“Waa In Komishanku Iscasilo,” Prof Cabdi Cali
Hargeysa(Sayruuq) Prof Cabdi Cali Jaamac oo hore xilal isaga casilay ayaa guddida doorashooyinka Somaliland ugu baaqay in ay iscasilaan. Waxa uu sheegay in maaddaama xisbiyadu isku fahmi waayeen shaqada Komishanka waxa guddi ahaan la gudboon yahay in ay iscasilaan oo hawsha fududeeyaan.
Maxaa La Gudboon Xubnaha Komishanka Doorashooyinka.

“Anigoo aad u ixtiraamaya xubnaha Komishanka, qaarkoodna aanu asxaab nahay, haddana waxan ku baraarujin lahaa in la soo gaadhay xilligii ay iyagu dib isugu noqon lahaayeen, mar haddii arrinkii qir iyo qir is taagay.

Adduunyadu waa sharafta iyo baabah; inkastoo aydaan siyaasiyiin ahayn, haddana ma tihidin shaqaale caadi ah; hawsha aad haysaana waa siyaasadda dhuuxeedii; siyaasaddu damcad bay leedahay; immika wixii ka danbeeya haddii aad idinku fududayn waydaan, waxa laga yaabaa in sharaftiina dhaawac soo gaadho; cuntada aad karisaan immika wixii ka danbeeya, ma yeelan doonto wax dhadhan ah; xataa haddii aad xawaashka ku badisaan!!!!; sidaa darteed, markaan eego milgihiina iyo milgaha xilka aad haysaan, waxa idiin fiican in aydaan sii joogin, xataa haddii sidaa laga idinka codsado.

Haddii aad sidaa yeeshaan waxaynu noqon ummad leh dhaqan siyaasadeed (political culture); idinku waanin maayo wax aanan angiu dhaqan u lahayn, laakiin runtii waa mid ka mid ah sababaha aan isku casilo anigu, markaan waxba garan waayo.”

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.