“Waa In DP World & Itoobiya Dhankooda Ka Soo Baxaan,”Biixi

0
722 views
Mudane Madaxweyne; Cudurkii Fardaha Galay Ma Dameeraad Ka Gubtay?

“Waa In DP World & Itoobiya Dhankooda Ka Soo Baxaan,”Biixi
Hargeysa(Sayruuq) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha shirkadda DP World Axmed Bin Sulaymaan ayaa waraysi ay wada jir u siiyeen warbaahinta kaga hadlay heshiiska dekedda Berbera.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in aanay cidna uga baqayn heshiiska dekedda Berbera. Waxa uu sheegay in Soomaaliya aanay waxba ka bedeli Karin heshiiska “Horta difaaca heshiisku wuxuu ku xidhan yahay difaaca dalka. Ma ay timaaddeen DP World iyo cid kale toona haddii aanay ammaanka dalka hubin 100%, marka taasi waa tusaale cad,” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweyne Biixi waxa uu intaasi raaciyay in aanu dal kale ku cadaadin Karin arrimaha Somaliland laga qabanayo “Cid culays ama cadaadis nagu saari karta dalkayaga waxa aanu ka qabanayno siyaasiyan, ganacsi ahaan iyo diblamaasi ahaanna ma jirto. U malayn maayo in ay maanta jirto dal ay naga dhexeyso colaad aanu dalkayaga gudihiisa isku qabsano,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Biixi.

Madaxweynuhu waxa uu intaasi raaciyay “Haddaad daarran tahay Soomaaliya oo dhawr jeer soo faro gelisay (Heshiiska dekedda Berbera) waa uun hadal warbaahinta loo dhiibay, Saamayn naguma leh hadalkoodu. Afka uun bay iska xumeeyeen da’aha soo socdana waxay galiyeen colaad iyo cadaawad la isugu qaado.”

Madaxweyne Biixi waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Itoobiya iyo DP World dhankooda ka soo baxaan “Heshiisku wuu difaacan yahay oo dalka nabad galyadiisa ayuu ku xidhan yahay oo cidna looga biqi maayo dhinacayaga, waana in DP World dhinaceeda sidaas oo kale uga soo baxdo Itoobiyana sidaas oo kale dhinaceeda uga soo baxdo, marka qof walba masuuliyadda dalkiisa ayuu ka masuul yahay haddii ay dhaqaale tahay haddii sharcigii lagu heshiiyay tahay, haddii ay ammaanka meesha tahay marka anagu 100% waanu is hubna,” sidaas ayuu yidhi madaxweynuhu.

Guddoomiyaha DP World oo la waydiiyay muranka Jabuuti u dhexeeya waxa uu sheegay in ay sharciga kula dagaallamayaan Jabuuti si ay uga helaan magdhaw laakiin, aanay dib ugu noqon doonin. Waxa uu sheegay in tallaabada Jabuuti dhaawacday sumcadda dhanka maalgashiga ee Afrika islamarkaana laga baqayo in maalgashiyada ay la wareegaan dawladuhu.

Sayruuqnews
Hargeysa-Somaliland
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.