“Waa In Degdeg Loo Xidho Boqor Buurmadow,”Nacnac

0
1,400 views
“Waa In Degdeg Loo Xidho Boqor Buurmadow,”Nacnac

“Waa In Degdeg Loo Xidho Boqor Buurmadow,”Nacnac

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa si adag u dhalliilay hadalo ka soo yeedhay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo ka tirsan madaxda dhaqanka Somaliland. Boqorka ayaa ka qayb galay xaflad lagu qabtay Puntland oo beeldaaje lagu caleemo saarayay waxaanu sheegay in uu madaxweyne Biixi ku qancin doono sidii ciidamada Somaliland looga soo qaadi lahaa Tukaraq.

Xildhibaan Nacnac ayaa hadalkaasi ku sifeeyay mid Qaran dumisnimo ah “Xildhibaanno badana arrintan waanu iska aragnay ninkaasi kalmadda uu yidhi waa Qaran Dumusnimo waxaana ku jawaajib ah in la xidho waayo Qarannimada isaga walaa Ina Biixi(Madaxweynaha) wax laga hadli karo maaha,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac oo si cadho leh uga hadlay arrintan, islamarkaana sheegay in aanay ogolayn taako ka mid ah dhulka Somaliland laga soo noqdo.

Waxa uu sheegay in cidda ku talisa in ciidamada Qaranku soo noqdaan tahay cid Qaranka khiyaamaysa, islamarkaana loo baahan yahay in la qabto. Waxa uu intaasi raaciyay in xildhibaanno door ahi ka cadhoodeen hadalka Buurmadow “Haddii aanu madaxweynuhu la qabin arrintaa waxaanu leenahay dadka kaleba waa la soo xidha, inan yar oo gabayday oo oyday ba la soo xidhay ee ninka Qaranka dumiyay ee Qaranimada ku ciyaaray waa in la soo xidha oo degdeg loo soo qabto haddii kale nin walba meesha uu doono ayuu ka bixi doona,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Nacnac.

Halkan ka daawo shirka jaraa’d ee Xildhibaan Nacnac

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here