Ururka ONLF oo Dowlada Federalka Eedeeysay

0
481 views
Ururka ONLF oo Dowlada Federalka Eedeeysay

Ururka ONLF oo Dowlada Federalka Eedeeysay iyo Dowlada federalka ah oo Maamulka DDSI ku eedaysay rabshadihii ka dhacay Jigjiga maanta…

Mar uu idaacada BBC da la hadlay afhayeenka ururka ONLF cadaani hirmooge ayaa wuxuu sheegay in maamulka Soomaalida oo ahaa mid iska tabar yar ay ku soo duushay dowlada dhexe isagoo sheegay in ay ahayd wakhtigii isbadal loo muujin lahaa soomaalida.

Dhinaca kale sida aan kasoo xiganay wargaysa Addis standard xiisada jigjiga ka taagan ayaa wali ah mid cirka ku shareeran iyadoo sidoo kale wali ay ciidamo federalku dhankooda Maamulka deegaanka ku eedeeyeen rabshadihii ka dhacay magaalada iyo biliqadii saaka hadhaysay jigjiga.

Dowlada federalka ayaa waxaa sidoo kale ay ku doodaysaa in madaxwaynaha DDSI marar badan loogu yeedhay shir ka dhici lahaa caasimada dalka ee Addis Ababa balse arrintaasi waxba kamaysan odhanin maamulka DDSI ee la weeraray.

TV dowlad deegaanka soomaalida Ethiopia ayaa waxay sheegayaan in caawa hoos loo dhigay calanka deegaanka iyadoo lagu muujinayay baroor diiqda dadkii ku waxyeeloobay iyo kuwii ku dhintay talaabadii ay maanta qaadeen ciidanka federalka iyo wixii iskacaabin ah ee kala kulmeen liyu ga.
sayruuqnews
sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.