Ururka ONLF Oo Dhaliishay Madaxweynaha cusub ee DDSI

0
689 views
Ururka ONLF Oo Dhaliishay Madaxweynaha cusub ee DDSI

Hargeysa(Sayruuq)-Isbadalka Maamul ee ka dhacya dhulka Somali Galbeed ayaa waxaa Ila shalay faalaynayaa jilayaasha siyaasadda deegaanaasi kadib markuu shalay galinkii danbe uu iscasilay madaxweynihii Dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamed Cumar ( cabdi ilay ) loona magacaabay madaxweynaha Cusub Axmed Cabdi Maxamed,oo ahaa wasiirkii maaliyadda ee nidaamkii Cabdi Maxamed Cumar, ayaa waxaa durba loo soojeedinayaa dhaliilo.

Hadaba Isbadalka ka dhacay dowlad deegaanka waxaa ka hadlay Jabhadda ONLF, Cadaani Hiirmooge oo ah Afhayeenka Jabhaddaa ayaa arrintaas kala hadlay qaar kamid ah Idaacadah Muqdisho isagoo dhaliilo u jeediyey Madaxweynaha cusub .

Afhayeenka Jabhada ONLF Cabduqaadir Xasan Hirmooge (Cadaani) ayaa sheegay in Madaxweynaha Cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya uusan wax isbedel ah ku soo kordhin doonin dhibaatooyinka ka jira dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed uu leeyahay dhaqankii Cabdi Maxamuud Cumar,isla markaana uu sidoo kale ku shaqeeyo fikirka ka yimaada madaxweynihii ka horeeyey ee Cabdi Maxamuud Cumar.

Marka laga soo tago hadalka Afhayeenka Jabhada ONLF Cabduqaadir Xasan Hirmooge(Cadaani) ayaa hadana waxaa baraha bulshada lagu dhaliilayey Madaxweynaha Cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida,iyada oo lagu tilmaamay in uu yahay nin dhibaateeya Soomaalida.

Sayruuqnews
Hargeysa-Somaliland
sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.