Ururka IGAD Oo Dayn Ku Leh Dawladda Somalia

0
331 views
Daminta Xiisadda Tukaraq Oo Itoobiya Loo Xilsaaray

Ururka IGAD Oo Dayn Ku Leh Dawladda Somalia: Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qarka u saaran inay arrimo dhaqaale darteed u lumiso xilka sare ee Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD. Ilo wareedyo kala duwan ayaa xaqiijinaya in Soomaaliya aanay bixin lacag dhan Hal Milyan oo dollar, taas oo ka mid ah shuruudaha lagu qaban karo xilka Xoghayaha Guud.

Uganda ayaa la sheegay inay bixisay lacagta, si ay sare ugu qaado fursadaha ay ku heli  karto xilka Xoghayaha Guud ee IGAD.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda C/salaan Cumar Hadliye ayaa ahaa Musharaxa Soomaaliya ee loo waday xilka Xoghayaha Guud ee IGAD kaas laga bedelay xilka wasiirnimo.

Wasiirada Arrimaha dibadda IGAD ayaa Sabtida soo socota ku kulmi doona magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya, si ay uga doodaan cida noqon doonta Xogahayaha Guud ee xiga, hase ahaatee Madaxweynayaasha IGAD ayaa gaadhi doona go’aanka kama dambeysta ah.

Soomaaliya oo ka mid aheyd aas aasayaasha IGAD ayaan marna qaban hoggaanka IGAD, waxaana dowladdii hore ee uu hoggaaminayay Xasan Sheekh ay ku guuldareysatay isku day ay dooneysay in jagada Xoghayaha Guud ee IGAD loo magacaabo Xasan Cali Kheyre oo xilligan ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

IMAGINE: Somalia Under IGAD Trusteeship in 2016 By Mohamed Osman Omar

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.