UN-ta Oo Ka Hadashay Xiisadda Somaliland Iyo Puntland

0
165 views
Keating Oo Shaaciyay Qodobo Ay Ka Wada Hadlayaan Somaliland & Somalia

UN-ta Oo Ka Hadashay Xiisadda Somaliland Iyo Puntland

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr Michael Keating ayaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ku soo bandhigay in xaalad halis ahi ka dhex taaggan tahay Puntland iyo Somaliland. Warbixin ku saabsan hawlihiisa Soomaaliya oo uu golaha ka jeedinayay ayuu arrintan ku soo qaaday isaga oo aan sheegin sababta xilligan arrintan hurisay.

“Waxa jirta halis dhab ah oo ku saabsan muranka wakhtiga dheer jiray ee u dhexeeya Somaliland iyo Puntland, gaar ahaana ciidamo isku wajahaya gobolka Sool kuwaas oo dagaal gacan ka hadal ah ka dhex dhici karo maalmaha soo socda, kaas oo cawaaqib xun keeni kara. Tani waxay timid waxyar kadib markii doorashooyin dib u dhacay ka qabsoomeen Somaliland ee si nabad ah awoodda la isugu wareejiyay,” Sidaas ayuu yidhi Mr Keating

Waxa uu intaasi raaciyay“ Aniga oo ageero ka helaya in badan oo bahwadaagta caalamka ah oo ay ka mid yihiin qaar badan oo golahan ah (Golaha ammaanka) waxaan ku boorriyay hoggaamiyeyaasha Somaliland iyo Puntland in ay colaadda joojiyaan, ciidamada kala qaadan xaaladdana sideedii ku soo celiyaan lana bilaabo hab furan oo wada hadal ah.”

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, oo la hadlay golaha amniga ayaa sharaxay waxa Soomaaliya ay ku guuleysatay iyo caqabadaha ku gudban maamulka madaxweyne Farmaajo, muddada sannadka ku dhow ee uu xilka hayo.

Keating ayaa sheegay in Soomaaliya ay sameysatay qorshe qaran oo ay ka mid yihiin isbedel dhaqaale, shaqa abuur, siyaasad loo dhan yahay, iyo isbedelka laamaha amniga.

Dr Ibraahim Farax Bursaliid ayaa sheegay in Keating uu u muuqday qof aan sawir sax ku dhow “sina ugu muuqday mid ka badbadis ah”.

Balse Keating wuxuu qiray in Soomaaliya ay weli wajeheyso dhibaatooyiin badan oo u baahan in laga caawiyo.

“Sida dowladaha kale ee cusub, wuxuu weli ku jiraa barbarasho,” ayuu yiri Keating, wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud u qaabilsan Soomaaliya.

Dowladda Madaxweyne Farmaajo tan iyo markii ay maamulka la wareegtay, muddo hadda laga joogo ku dhowaad Sannad, waxay wajahday dhibaatooyiin badan oo khilaaf siyaasadeed iyo mid amni ay ka mid yihiin.

Balse Keating wuxuu sheegay in dowladda ay la timi ajande wanaagsan oo la xiriira dhaqalaha, siyaasadda, xallinta khilaafaadka iyo wax ka qabashada arrimaha amniga.

“Diiradda wuxuu hadda saaran yahay howsha aasaasiga ah ee la wareegidda dhanka amniga”, ayuu yiri oo sidoo kale tilmaamay “in dowladda federaalka ay meelmarinta qorshayaashan ay kala kulmeysaa caqabado waaweyn”.

 

Shan arrimood oo Keating uu ka sheegay Soomaaliya

Danjire Michael Keating Oo Ka Hadlay Xiisadda Tukaraq iyo Muranka Hawada Somaliland & Soomaaliya

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.