UN Oo Doonaysa Dib U Habayn lagu Sameeyo Booliska Somaliland

0
439 views
UN Oo Doonaysa Dib U Habayn lagu Sameeyo Booliska Somaliland

UN Oo Doonaysa Dib U Habayn lagu Sameeyo Booliska Somaliland

Qaramada midaabay ayaa salaasadii soo xidhay shir heer sare ah oo ku saabsan dib u habayn dhammaystiran oo lagu sameeyo ciidamada booliska Somaliland si loo horumariyo xasiloonida.

Kulankan waxa agaasimay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM. Waxa ujeedada kulanka lagu sheegay dardar gelinta sidii sharcigu u sarayn lahaa Somaliland, islamarkaana loo tayayn lahaa booliska.

Staffan Tillander oo madax ka ah waaxda UNSOM u qaabilsan sarraynta sharciga iyo hay’addaha ammaanka waxa uu sheegay in dib u habaynta ciidanka booliska Somaliland looga golleeyay ilaalinta iyo horumarinta ammaanka Somaliland, taas oo suuro gelinaysa in sharcigu sarreeyo.

“Jiritaanka silsilad caddaaladeed oo shaqaynaysa taas oo leh boolis wax ku ool ah, caddaalad iyo qaybaha sixidda waxay muhiim u yihiin sarraynta sharciga iyo kor u qaadista xuquuqda aadanaha oo ay ku jiraan xaqiijinta xorriyatul qawlka iyo xorriyadda saxaafadda,” Sidaas ayuu yidhi Staffan Tillander.

Waxa uu intaasi ku daray in qaybaha kale la xidhiidha hannaanka dib u habaynta booliska sida shuruucda iyo siyaasaduhu saxmi doonto kuwaas oo ay ka mid yihiin sharciga kufsiga iyo xadgudubyada la xidhiidha jinsiga ee haweenka ka dhank ah.

Waxa kale oo kulanka lagu falanqeeyay in dib u habayntu saamayso hirgelinta sharciga booliska Somaliland oo dhawaan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi qalinka ku duugay, waxaana la isla soo qaaday in dib u habayntu dhammaystirto godoloolooyinka xeerka.

Taliyaha booliska Somaliland sarreeye gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa isna soo dhaweeyay dadaallada hay’addaha caalamiga ah waxaanu sheegay in boolisku horumaro samaynayay muddooyinkii u dambeeyay kuwaas oo ay ka mid ahaayeen dhisidda awoodda, darajo siinta iyo samaynta xeerka booliska.

Qoraalka UNSOM soo saartay dhammaadka shirka ayaa lagu sheegay in wasiirro, saraakiil iyo wakiillo Qaramada Midoobay ka socda ka qayb galeen kulanka, islamarkaana la iskula meel dhigay sidii Somaliland u yarayn lahayd xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqal iisaanka, islamarkaana sharcigu u sarayn lahaa.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.