UAE Oo Ka Falceliyay Lacagtii Somalia Ka Qabsatay

0
539 views
Hub Laga Xaday Xeradii Imaaraadka Oo Muqdisho Lagu Iibinayo
Ciidamada oo tababaranaya

UAE Oo Ka Falceliyay Lacagtii Somalia Ka Qabsatay

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa war qoraal ah oo uu shalay soo saaray ku sheegay inuu kala diray barnaamijkii tababarka milatari ee uu u fidin jiray ciidamada Somaliya. Ciidamada Imaaraadka ee tababarka waday ayaa dhawaan ka baxay Soomaaliya waxaana la sheegay in muran ka dhashay markii la isku dayay in shandadahooda la baadho.

Qoraalkan oo ay faafisay wakaaladda wararka ee imaaraadka ayaa lagu sheegay in Imaaraadka uu talaabadaasi kaga jawaabayo, lacag ay dowladda Somaliya dhawaan ku qabatay Muqdisho oo uu imaaraadka lahaa. Lacagta ayay Imaaraadku sheegeen in loo waday ciidamada Soomaaliya ee uu tababaro laakiin, Soomaaliya ayaa ka shakiday in lagu laaluushayo siyaasiyiin maaddaama ay taagnayd xiisadda ka dhalatay mooshinka Jawaari.

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo fallaynaya saamaynta ka dhalanaysa tallaabada Imaaraadka dhegayso

Geesta kale wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegaya in wada hadal u bilawday Somalia iyo Imaaraadka “Xilligan wax dhaxdhaxaadin ah oo socota ma jirto, laakiin waxaa socda wadahadalo toos ah oo u bilaawday labada dowladood oo u dhaxeeya madaxda sare ee dowladda Soomaaliya iyo Imaaaraadka’’ ayuu yidhi Wasiir Cawad mar la sii waydiiyay cidda wada hadlaysa iyo meesha lagu wada hadlayo waxaanu sheegay in madaxda sare wada hadlayso laakiin, ma sheegin wax bilawday.

UAE Oo Ka Falceliyay Lacagtii Somalia Ka Qabsatay

Source:VOASomali

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here