TV-ga Qaranka Somaliland Oo Baahiyay Farmaajo

0
1,856 views
TV-ga Qaranka Somaliland Oo Baahiyay Farmaajo

TV-ga Qaranka Somaliland Oo Baahiyay Farmaajo

Muuqaal wacyi gelin ah oo telefishanka Qaranka Somaliland u sameeyay dawladda hoose ee Hargeysa ayuu ka soo dhex muuqday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Muuqaalka Farmaajo oo olole nadaafadeed wada ayaa lagu dhex daray farriin bulshada lagaga wacyi gelinayo xashiishka jidadka la dhigo ama daadka la raaciyo.

Bulshada Somaliland oo baraha bulshada kaga falceliyay arrintan ayaa ku tilmaamay fal dhiig bax Qaranka ku ah oo telefishanku ku kacay.

Lama oga sababta telefishanku u qaadan waayay madaxweyne Biixi ama madaxweynihii ka horeeyay Axmed Siilaanyo oo muuqaalladiisa la helayo isaga oo ololaha  nadaafadda ka qayb galaya.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.