Tuur waa’ iyo tii iga qabsatay

0
122 views

Tuur waa’ iyo tii iga qabsatay

Waa lama huraan, waana igu ceeb in aan ka aamuso, anigoo maanta Hassan A Adan Buluuki, Samiir Ducaale( Xanaf), Mohamoud Boos, Ahmed Hassan Dirie Iyo Xuseen ilka case, Nasra Godir, arkaya sida qiimaha leh ee magaaladiinii, degaankiinii iyo gobolkiinii loogu soo dhoweeyay madaxweynihii qaranka.

Horeba u idhi oo ogobeey waataan buugaygii xasuus-qorka ku qoraye’ balse aan maantana halkan intiina kalena kula wadaago in yar oon seddex midh uun ku soo koobay.
Waa mide, tii iga gaadhay aqoon la’aanta reeraha badan ee dega gobolka sanaag, ee safarkaygii kal hor iga gaadhay. Waa ta labaade reer Sanaag iyo gobonimadooda iyo intaan ka bartay. Iyo tan u dambaysa oo ah MBC iyo sababta aan u taageero.
Aan ku bilaabee, tii iigu darnayd oo Tuurwaa’ iyo aniga na kala qabsatee, fiid baanu soo galnay Ceerigaabo, oo akhyaar qiimo leh oo reer ceerigaabo ahi dariiqa, kantaroolka afkiisa nagu sii sugaysay, nagu qaabishay goobtaas. Golis Hotelna nagu dejiyeen, oo iyaguna si gobonimo leh noo qaabilay.
Waa aniga, reerkayga, Muse Yusuf Kamil iyo Eng Ridwaan Cabdiraxmaan. Laila na dumarkii la wareege annagana qayilkii majlis hotelku lahaa nala fadhiisiyay, halkaas oo rag door ah oo sii fadhiyay iyaguna nagu soo dhoweeyeen.
Waa la is tooydaa oo waa dhaqankeenee markiiba waar waa niman reer Hargeisa ah iyo raggana waa Muuse Tuurwaa’ lays yidhi.
Xariif baan iska dhigay fahmay oo waar raggu muxuu sheegay iyo bal warama iyo soo dhowaada baan salaantii ku dhaafay oo sheekadii ay wateen iska dhagaystay. Nin raggii ka mid ahaa ayaa tuulo aan dhexda ku soo dhaafay galabtii oo Kal Shiikh( ma hubo, in uu magucu sax yahay) la yidhaahdo ka sheekayay, iyo waliba sida uu aabihii uga mid ahaa raggii aasaasay tuuladaa.
Siday kulmiye u yihiin ee raggii kale ee meesha la fadhiyayna ugu jiibinayee, oo show in ay wada Kulmiye adag ahaayeena, dhagahayga ayay horeba ugu soo dhecaysay, oo judhiiba raggu waa wadda kulmiye iyo waa jeegaantii barri ayuun baan isku qufulay, mirqaankii jabiska uun u nisbee, qabyaaliiste ma ihiye.
Garna way ahaydoo, tuuladu uu sheegayaa degaanka HJ, waxba kama foga oo waan soo arkay. Waligayna,da’daa aan ahaa, badow waa badow uune, Muuse Tuurwaa’ laan dheere kastuu yahay, haddana maan maqal. Muuse Ismaaciil ama Gadhweyn waan ku ababay maqalkooda, balse Tuurwaa’ kani meel uu iga dhaafay ma garanayo.
Waxba yaanay sheekada idinku dheerayn ee markiiba nimankani waa jeegaantii barri ayuun baan is idhi, oo waa kuwan kulmiye adag ahe , doorashadiina way soo dhowayd oo waaba kambaynkii( Waa berigii ay ceerigaabo iskugu yimaadeen Ciro iyo MBC), waddani iyo Keyse Liban ku lis uun baan is idhi. Waan ku lisay oo ku lisay (Lafo jabis maaha dee, tii sunniga, dacaayadii nadiifta ahayd).
Nimankii baa yaabay oo dhan ay u qaadaan garan waayay.Ninkan tobanka nin ee Gadhweyn dhex jooga ee haddana ku lisaya HY ee waddani ee waddani ku wada sheegay.
Aakhirkii buu nin adkaysan waayay oo igu yidhi” Waar niman wada HY ah baanu nahee,Kulmiyana waanu nahay ee sideed wax u waddaa, bal ka aayar dee”.Markaasaan yaabay oon is gartay in aan dhex fadhiyo. Wey iga baahday, oo mirqaankii iga duulay.
”Waar sow sidaasi uun meel kasta la iskuma daqiijiyo dee, ma waxay daan ogayn meel halkeer ah oo aan soo maray nimankii SM wixii lagu hayay, walaahi sidaasi uun baa loo xafuujinayoo, anigii baa idhi waar dee ka aayara. Waar dee Jeegaan baan idin moodayee, miyaan Hargeisaba dhaafay dee.” qosol gariirkii baan idhi.Ma idinkaa Waddani haddaa hadh u jiidayay dee, sow taad ku lisayseen, waar koley idhiye aan haatan iska wato dee. Qosol bay nimankii isku wada dareen oo nin ka mid ahaa oo ugu weynaa intuu soo kacay ayuu i gacan qaaday oo igu yidhi walee oo aad rageedii tahay. Maalintaansaan kala baratay HY barri. ilma Xaamud, Tuurwaa’ba, HJ barri iyo Warsangaliba. Dhuloos iyaga aqoontaydu kumay xumayn oo saaxiibkay Abdirizaaq Abdillahi baa aad iigu laqimay.
Si kasta oo ay tahayna, qaladkaa aqoon la’aantu i galisay, haddana si gobonimo leh oo aanan ilaabin karin ayay ii soo dhoweeyeen, dhamaantood reeraha dega Ceerigaabo iyo guud ahaan Sanaagba. Ilaa hadaaftimo ayay i geeyeen, oo Sheekh Abdiraxmaan qabrigiisii Jiidaalina ila soo siyaarteen. ( Sheekh Muuse waaban ku horeeyay oo u soo duceeyee xisaabta ku darso)

Waa ta labaade, reer sanaag iyo gobonimadoodana, mayd maxaa u dambeeyaa la yidhi, ee taas aad maanta ka aragteen iyo siday madaxweynahoodii u soo dhoweeyeen, cabasha kasta oo ay tirsanayeen, ku cibro qaado oo intaasaa igaga filan. Aniga se oo ay ii ahayd sanadkii hore, sidaan horeba u tibaaxay, waligey ilaabi maayo gobonimada iyo wanaaga aan meeshaa ku soo arkay. Ilaa Sweden iyo UK kuwii joogay ee asxaabta ii ahaa ayaan u kala hadhin in ay telefoonka kula socdaan, hadba xaaladaan ku suganahay iyo in aan wax tabayo. Ha dhicin, ha jabin aanan wali meelna aduunka kale ka arag ayay qolqol iyo qurbe joog reer sanaag ahiba igo soo dhoweeyeen oo igu soo sagootiyeen.

Waa ta u dambaysee , horta MBC, tol baanu nahay, tol dhow waliba,Waleey se iga tahee abtirsiimo iyo tolnimo uma taageerin, kuma dooran.
Kulmiyena anaa uga horeeyay oo isaga oo ASAD ku jira ayaan anigu kulmiye ahaa, oo Axmed siiraanyo ayaa London igu qanciyay in uu xisbigani yahay xisbigii Somaliland meel fiican gayn lahaa.
Haddana waligay xubin muuqata kama noqon xisbiga, cidna ima taqaano oo kamaradaha tv yada waligay iskuma dhigin, balse 2005 tii, iyadoo madaxdii xisbiga Kulmiye oo dhan, Waa Siiraanyo, MBC, Cabdi Aw Daahir, Cabdrixman aw Cali, M Kaahin, Ina Cabdiqadir iyo tobanaan kale oo reer UK iyo wadankiiba ahi ay gurigayga joogeen oo shirarkii kambaynka ee Kulmiye ay ka socdeen oo golaha dhexe gal la i lahaa, balse ka doorbiday in dad kale oo iga muddan joogaan.
Aan baano ee waxaan ka mid ahaa toddobadii qof ee kalida ku ahaa bixinta kharashkii xarunta dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee Hargeisa. Haddana isma aan muujin.
Waxaana ii dheerayd berrigaa, Waar habeenkii buu ina Riyaale u waramaa aroortiina waa Kulmiye, oo kuwa aanu is dacaayad naqaanaa igula dhici jireen, oo ogobeey ooridayda ayaa UDUB laga dhex arki jiray oo Awdal ku abtirsata.
2010 na waan u hagar baxay, maal iyo muruqba in Kulmiye guulaysto, 2017 kiina sidoo kale. Muusena wuxu igu yidhi” Sow Maxamedow shaqo ma haysatid iyo haa iyo orodoo shaqadaadii iska wado, boqolaal dhalin yaro ah oo shaqo la’ ayaa waddanka joogee.Anna waan u graabay, agtiisana kama wareego. Balse aan se u soo noqdo, waxaan MBC ku doortee, isku soo wada duuboo tolnimo maaha, kulmiyana maaha ee waa aaminaad aan si dhab ah u aaminsanahay in uu yahay maanta qofka Somaliland gaadhsiin kara meel fiican oo uu dhalinteenu ka sii hana qaadi karto. Sababtuna waa laba arrimood uun;
Kow: Nin ku dhiiran kara, calool adaygeedana leh in uu nidaam dowladnimo oo kala dambayn oo sharcigu sareeyo in uu dhiso.
Iyo laba: In uu yahay nin dhalinyarada reer Somaliland siin kara jaanis ay kula wareegaan hanashada xilka.
Labadiibana sansaanteedii waan ka arkaa MBC, aadna ugu kalsoonahay in uu fulin doono.Waa run oo wali wax badan baa dhiman balse, saansaanteedii waan ka arkaa.

Reer sanaagow se aad baan ugu diirsaday sida gobonimada leh ee aad maantana u soo dhoweyseen madaxweynaheena. Waxaad tabaysaana farta ka saara oo waa nin rageedii ahe bun ha u dhimina ee idina gobonima qaata annaga maraa waaxid naga farxiya.
Maxamed Yusuf Bidhiidh Badda.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.