Turkiga Oo Ka Hadlay Farqiga U Dhexeeya Saldhigyada Imaaraadka iyo Turkiga Ee Arlada Soomaalida

0
396 views
Turkiga Oo Ka Hadlay Farqiga U Dhexeeya Saldhigyada Imaaraadka iyo Turkiga Ee Arlada Soomaalida

Turkiga Oo Ka Hadlay Farqiga U Dhexeeya Saldhigyada Imaaraadka iyo Turkiga Ee Arlada Soomaalida

Ankara(Sayruuq) Madaxa Afrika u qaabilsan wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga Ahmet Riza Demirer ayaa sheegay in xidhiidhka Turkiga iyo qaaradda Afrika marayo halkii ugu saraysay waxaanu sababta Turkigu Soomaaliya awoodda u saaray ku sheegay arrimo dhanka dhaqanka iyo dhawaanshaha ku saabsan.

Waraysi uu siiyay wakaaladda Turkiga ee Anadolu wuxuu si si dadban ugaga jawaabay faraqa u dhexeeya Saldhigga Turkiga ee Muqdisho iyo Saldhigyada Imaaraadka waxaanu ku dooday in Turkigu ciidamada uu tababaro ka dhigo kuwa Soomaaliya u daacad ah, halka Imaaraadku doono in ay isaga ka amar qaateen afkaartiisana ku shaqeeyaan.

Masuulkan oo la waydiiyay sida dalalka dariska la ah Soomaaliya u arkaan Saldhigga Turkiga ee Muqdisho wuxuu ku jawaabay “Anaga Soomaaliya nooma ah madal tartan. Dal kale oo aanu kula loolamayno Soomaaliya ma jiro.Soomaaliya waa dal anaga aad muhiim noogu ah. Waxaanu nahay dalkii bedelay marajihii Soomaaliya u socotay. Waxaanu doonayna dalalka u arka in aanu Soomaaliya kula tartamayno in aanu u sheegno in ay ka shaqeeyaan horumarka iyo daryeelka Soomaaliya.”

Wuxuu intaasi ku daray mabaadiida saldhiggooda Muqdisho “Saldhigayaga Militari ee halkaas ku yaalla wuxuu taageeraya ammaanka, gargaarka bani’aadanimo iyo ujeedooyinka horumarka. Soomaaliya waxa 30 sanno haystay dhibaatooyin maamul oo halis ah, waa dal leh dad tayo leh iyo dal taariikh leh. Waa dad garanaya waxay qabanayaan laakiin, ma sahlana in la gaadho wax la isku raacsan yahay.”

Wuxuu raaciyay hammiga Turkigu ku doonayo in uu quwad ciidan u dhiso Soomaaliya “Dalku wuxuu u baahan yahay ciidamo ammaan oo badqabkiisa xaqiijiya. 30 sannadood maleeshiyaad iyo ciidamo goboleedyo ayaa dalka joogay, sababtaas awgeed Soomaaliya waxay u baahan tahay Ciidan Qaran. Saldhigayaga tababaraduna wuxuu ka shaqaynaysa aasaaska ciidan Qaran, waana tababarro militari iyo saraakiil oo Soomaaliya naga codsatay.”

Ugu dambeyna waxa uu si dadban ugu jawaabay UAE “Ma lihin ujeedo aanu ciidamada ugu ilaalinayno in ay anaga naga amar qaatan. Ciidamada aanu tababarnay waxay u shaqaynayaan ciidamada Qaranka Soomaaliya. Soomaaliya waxa sidoo kale tababarro siiya Imaaraadka, Maraykanka, Ingiriiska iyo Midawga Yurub. Waxaanu kuwaas kaga duwanahay ujeedada iyo habka aanu xalka ugu raadinayno mushkiladda(Somalia). Waxaanu qabanayna waxyaabo aanay dalalka kale qabanayn, waxaanu doonayna in aanu tababarno askar daacad u ah Ciidanka Soomaaliya oo ku miyir qaba. Tan uma tixgelinayno wakhtiga dhaw laakiin, mid waarta in ay noqoto ayaanu doonayna.”

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here