“Turkiga Hogaaminaya Wada Hadalka S/land,” Somalia

0
849 views
Muran Ka Dhashay Lacag Somalia Siisay Somaliland

“Turkiga Hogaaminaya Wada Hadalka S/land,” Somalia

Wasiir kuxigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daauud ayaa wakaaladda wararka Soomaaliya u sheegay in dawladda Turkigu gadh wadeen ka tahay wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Masuulkan oo ka hadlayay in ay wali ku hawlan yihiin shirkadda DP World iyo carqaladaynta heshiiska dekedda Berbera waxa uu sheegay in aanay aqbalayn heshiiskan.

Wasiir ku xigeenka ayaa dhanka kale sheegay xurgufta soo kala dhex gashay Dowladda Soomaaliya iyo Shirkadda reer Imaaraad ee DP World in aanay waxba u dhimi doonin wada hadalladii ka dhexeeyay Soomaaliland, wuxuuna intaa raaciyay inay wada hadalkan ay gadh wadeen ka tahay Dowladda Turkiga.

Hadalkan ayaa imanaya xilli muddooyinkii u dambeeyay dawladda Somaliland sheegaysay in wada hadalladii Turkigu marti galin jiray sanadihii 2012 ilaa 2015 loo wareejiyay Waddanka Switzerland ee carriga Yurub bilawgoodana laga furayo Jabuuti oo la filayo in Madaxweyne Biixi iyo Farmaajo ku kulmaan. Somaliland ayaa wada hadallada bil dib u dhigtay markii Soomaaliya ka hor timid shirkadda DP World.

Madaxweynaha Somaliland ayaa dhawaan sheegay in dawladda Turkigu lix sanno ku lumisay in ay isu yimaaddaan Somaliland iyo Somalia kadibna kala taggaan, islamarkaana aanay samayn wax dhexdhexaadin ah haddana ay uga wareejiyeen wada hadalka si loo helo cid dhexdhexaadisa oo u gar qaadda Somaliland iyo Somalia laakiin, hadalkan masuulka Soomaaliya ayaa u muuqda mid muujinaya in aanay dhan u wada socon xukumaddaha Hargeysa iyo Muqdisho ee ay tahay in ay wada hadlaan.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.