Tirada Dhimashada Ee Dagaalka Ceelafweyn

0
1,049 views
Tirada Dhimashada Ee Dagaalka Ceelafweyn

Tirada Dhimashada Ee Dagaalka Ceelafweyn

Inta la ogyahay 12 qof ayaa ku dhintay dagaalka beelaha walaalaha ah ku dhexmaray degaanno hoos taga degmada Ceelafweyn ee galbeedka magaalada Ceerigaabo waxaana dhaawaca lagu sheegay ilaa 10 qof sida madaxda Ceelafweyn u sheegeen laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da. Hase ahaatee ma jiraan warar madax bannaan oo ka soo baxay dirirka labada beelood.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in hadda meelaha lagu dagaalamay yihiin kuwo degan kadib markii ay halkaasi gaadheen Ciidamada Qaranka oo xooggan oo kala dhexgalay labada beelood, islamarkaana xaaladda dejiyay.

Dagaalladan oo soo noqnoqday ayaa saaka ka qarxay dhawr degaan oo ay wada degaan beelaha halkaasi ku dagaallamay oo wacad furay dhawr jeer oo heshiisyo la dhex dhigay, islamarkaana ay dirirtoodu soo noqnoqoto.

Madaxweyne Biixi oo maanta baaq nabadeed u diray ma sheegin wax tallaabo ah oo uu qaadayo.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here