Telesom Iyo Dahabshiil Oo Ka Hadlay Go’aammada Xukumadda

0
145 views
Telesom Iyo Dahabshiil Oo Ka Hadlay Go’aammada Xukumadda
color square pixel background movement

Telesom Iyo Dahabshiil Oo Ka Hadlay Go’aammada Xukumadda

Xukumadda Somaliland ayaa maanta soo saartay qodobo wax lagaga qabanayo sicir bararka oo qaarkood saamaynayaan shirkaddaha Dahabshiil iyo Telesom oo laga joojiyay isku bedelka lacagaha iyo in ay adeegyadooda Zaad iyo E-Dahab ka saaran wixii ka yar 99 Doollar taas bedelkeedana ay ka dhigaan Shillin Somaliland kadib markii la sheegay in qiimo dhaca shilinku ka yimid lacagta doollarka ah ee telefoonnada lagu qaato.

Cabdiraxmaan Cali Cabdi oo u hadlay shirkadda Dahabshiil Group iyo Cabdikariin Maxamed Iid guddoomiyaha shirkadda Telesom ayaa BBC-da u sheegay in ay u hoggaansamayaan go’aammada xukumadda ka soo baxay, islamarkaana ay sidooda u fulinayaan. Shirkaddahan ayaa go’aammo noocan ah ka hor yimid mar xukumaddii hore soo saartay.

Sicir bararka ayaa naafeeyay dhaqaalaha Somaliland kadib markii ay is dhex qaadeen lacagaha telefoonka lagu qaato, shillinka Somaliland iyo doollarka oo si weyn loo isticmaalo. Halka dollar oo hore u ahaan jiray 6500 Shillin ilaa 7000 shillin ayaa muddooyinkii u dambeeyay gaadhay 10,000 ka badan isaga oo si xawli ah kor ugu socday sanadihii la soo dhaafay.

Xukumadda ayaa sidoo kale culays cashuureed saartay qaadka iyo alaabooyin ay ku sheegtay in aanay faa’iido u lahayn bulshada. Lama oga shirkaddaha qaadka oo 50% cashuurta lagu kordhiyay in ay aqbaleen go’aanka iyo in kale laakiin, qaadka ayaa loo arkaa shay faakihaysi ah oo dhaqaale burbur laxaad leh ku haya bulshada, islamamrkaana dhaqaale ahaan iyo caafimaad ahaan u burburiyay bulshada.

Qodobadan ayaa la eegaya waxa ay ka bedelaan qiima dhaca shillinka Somaliland oo ay hadda ka joogan noodhadhka 500, 1000 iyo 5000 shilin kuwaas oo laga warwar qabo in 500 degdeg suuqa uga baxdo si la mid ah 100 shilin iyo 50 shilin oo si lama filaan ah suuqa uga baxay.

Sicir bararka arrimahan ka dhashay ayaa si weyn u saameeyay dadka dan yarta ah iyo shaqaalaha dawladda sida Ciidamada Qaranka, macalimiinta iyo qaybaha kale oo lacag shilin ah mushaharka ku qaata taas oo marka la sarrifo aan waxba ka qabanayn biilasha doollarka lagu qaado sida: Laydhka, waxbarashada carruurta, Kirada iyo adeegyada kale.

Daawo Go’aammada Xalka Sicir Bararka Ee Xukumaddu Soo Saartay

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.