Taxanaha Yuusuf Garaad Iyo Hargeysa 1989-90

0
1,134 views
Taxanaha Yuusuf Garaad Iyo Hargeysa 1989-90

Taxanaha Yuusuf Garaad Iyo Hargeysa 1989-90

Aniga oo Berbera ka soo qadeeyay ayaan goor galab ah ka degey garoonka Dayaaradaha ee Hargeysa. Waa bilihii ugu dambeeyay 1990.

Muuqaalka koowaad oo ay indhaheygu qabtaan wuxuu ahaa garoonka dhexdiisa.

Hal dayaarad oo kuwa dagaalka ah oo aan u maleynayo in ay ahayd Mig 17 ayaa meel iiga muuqata. Dayaaraddu waa duug. Mana hubo in ay kici karto.

Meel ka yara durugsan ayaa waxaa taal haan aan u qaatay in shidaal ku jiro ayse dhici karto in waxa ku jiraa ay biyo yihiin.  Nin caato ah oo aan si xayi ah u socon ayaa la lugeynaya baaldi. Weelka uu sitaa wuxuu ka sameysan yahay caag madow.  Waa baaldi nnooca dhismaha loo adeegsado oo dadka qaar u yaqaan sakeel.  Baaldiga ayuu u hoorsaday dareeraha haanta ku jiray.  Ka dibna si tartiib ah ayuu ugu dhaqaaqay dhanka dayaaradda isaga oo ka dhowraya in uu dareeruhu ka daato.

Intuu sallaan dayaaradda ag yaalla kor u fuulay ayuu dareeraha meel ku shubay.  Anigu barta aan taagnahay  ugama jeedi karin in dayaaradda lafteeda uu ku shubayo iyo in weel kale oo dayaaradda dhex yaalla uu ku shubayo. Ma aqaan in ay biyo ahaayeen iyo in ay shidaal ahaayeen waxa uu dayaaradda ku shubayo.

Laakiin waxaa halkaas aan ka helay sawir ah in ciidanku xaaladda uu ku jiraa aanay wanaagsaneyn.

Laba nin oo midkood dareewal yahay oo labaduba u shaqeeya hey’adda ayaa keligeey iga soo qaaday garoonka.

Waa xilli roob ah.  Dhulku waa doog indhaha u roon. Neeacaw udgoon ayaa dhacaysa. Sanka ayaan la raacayaa. Maaddaama aan Berbera ka imid si gooni ah ayaan u macaansanayaa neecawda.

Guri ay hey’addu degganeyd oo ku began xagga dambe ee halka ay Madaxtooyadu hadda tahay ayaan tegey.  In yar ka dib gabbalka ayaa dhacay.  Ma aqaan baqdin iyo waxa ay tahay – weligeey ma arag gudcur ama mugdi aan waxba ka arki waayo haddii aan nalka ka fogaado.

In badan ayaan maqlayay Hargeysa waxa ka dhacaya.  Markii la ii sheegay in aan Hargeysa tegayo waan jecleystay oo waxaan doonayay in aan indhaheyga ku soo arko xaaladdu sida ay tahay.

Hadda oo aan soo dhex istaagay jirkeygu waa diiddan yahay.  Waxa meesha ka dhacayna waan dareemay, anigana baqdin ayaa i gashay.

Gudcur dam ah, roobabbow iyo colaad ayaan dhex taagan ahay.

Waxaa dhacaysa rasaas aad dhawaaqeeda ka garaneyso in kor loo ridayo. Mar xaafado naga fog ayay ka dhacaysay.  Marna xaafado nagu dhow iyo guryaha nagu xiga.  Marmar labadaba way ka dhacaysaa. Teel teel ayay magaalada marba meel ugu dhaceysaa.

Aad uma xusuusto sababta xilligaas nagu kalliftay laakiin aniga iyo saddex ajnebi ah ayaa gaari qaadannay in yar ka dibna waan soo laabannay.  Waxaan gaarnay guri kale oo isia hey’addu ay degganeyd.

Intii aan soconnay dad waxaan ka aragnay in yar oo malahaa aan toban dhammeyn oo ka cunteynaya meel buush ah oo qiyaasteyda ku beegan Baar Hargeysa.

Mar dambe waxaan ogaaday dadka meeshaas wax ka iibsadaa in ay yihiin ciidan.

Gidaarrada ayaa ii warramay

Taxanaha Yuusuf Garaad Iyo Hargeysa 1989-90

Maalintii xigtay ayaan keligeey gaari qaatay. Waddooyin kooban ayaan maray. Ma arag cid ii warranta.  Laakiin war waxaa iigu filnaa inta ay indhaheygu qabteen.

Hargeysa waxay Berbera kala mid tahay in aanad heleyn cid kuu warranta.  Laakiin waxay uga duwan tahay in aanad dadba arkeyn.  Iyo waliba, in ay yar yihiin wax aad u baahan tahay in aad dad weydiiso. Waa sadar muuqdaa su’aal ka dhan.

Waxaa ii warramay cidlada waddooyinka iyo burburka “dhismayaasha” magaalada.

Dagaal toos ahi magaalada kama socdo marka aan tegey.  Laakiin saqaf kasta, gidaar kasta iyo waddo kasta ayaa ra’yi kaa siinaya sida ay wax u dheceen.

Ku dhowaad dhammaan dhismayaasha magaalada saqafku waa maqan yahay. Midkii saqaf leh waxaa ka muuqda dalool weyn ama kuwo yaryar oo badan ama labadaba.

Gidaarrada intooda badani wey dumeen oo waxay noqdeen dhagxaan badan oo dhulka daadsan. Qaar kale in baa taagan.  Midka aan dumin waxaa ku xardhan rasaas aad mooddo in lagu naqshadeeyay.

Berbera waxaan dareemeyay jawi cakiran. Laakiin Hargeysa waa goob dagaal. Si dhab ah ayaad lafaaga ugu baqeysaa oo nafta ayaa diideysa.

Hargeysa waa Cidla’

Xilli duhurku dhow yahay ayaan baabuur ku dhex maray magaalada.  Waxaa ka soo billaabay aqal ku beegan xagga dambe ee meesha ay hadda tahay Madaxtooyadu.   Waxaan maray waddada Hargeysa ugu muhiimsan haddana ugu dadka iyo gaadiidka badan.

Marka aan ku dhowahay Saldhigga Booliisku meesha uu yahay, inta aanan gaarin halka looga leexdo waddada weyn ee loo aado dhinaca Bridge-ka ayaan gaariga joojiyay.  Ka soo degay.  Jiho kasta ayaan midba mar eegay.  Inta ay markaa indhaheygu qaban kareen, ma arag gaari socda ama meel yaalla oo aan keyga ahayn.  Xataa ma arag hal qof oo socda ama meel fadhiya. Mana arag wax astaan u ah in magaaladan dad ku nool yahay.

Qofka aan Hargeysa aqoon, waddada aan ka hadlayaa waa midda magaalada ugu weyn bartankeeda.

Dareen aan ku cabbiro ma aqaan.   Magaalo aan dad joogin waa sida qof weyn oo aan dhar gashaneyn oo waddada maraya.  Naxdin iyo murugo ayaa igu kulmay.

Naxdin sababta oo ah filan waa ayay igu noqotay.  Waan baqay sababta oo ah Hargeysa waan ogaa sida ay u cammirnayd dad, gaadiid iyo ganacsi. Hadda waa ay maran tahay. Dadkii joogi jirayna waan ogahay in qaar badan la dilay. Inta ugu badani ay qaxday.  In qaar kale uu duurka ku jiro oo dagaallamayo.

Waan murugooday.  Inta qof rayid ah oo aan waxba galabsan meesha lagu dilay.  Inta dad aan awoodin da’, caafimaad ama xataa saboolnimo darteed ay dantu ku kalliftay in ay qaxaan. Ugu dambeynta waxaan dhibsaday awood darreyda ah in wax aan ka qaban karaa aanay jirin dhibaatada aan dhex taagan ahay.

Hore ayaan u gudbay oo waxaan tegey meel hadda shidaalka laga qaato dhinaceeda dambe oo ka soo horjeedda meel ahaan jirtay ENC. Waa meel  ku beegan Isbitaalka Edna gadashiisa. Meel bannaan oo halkaa ku taalla ayaa waxaa jooga dad haween iyo waayeel u badan oo raashin loo qeybinayo.

Fannaanadda Caanka ah Sahra Axmed oo gacan siineysa Ururka Bisha Case ee Soomaaliyeed ayaan goobtaas ku arkay.

Waxaan u gudbay xaafadda dalcadda saaran ee ENC horteeda ku beegan oo dhammaanteed cidla’ ahayd.  Markii aan soo laabtay, nin aan ku arkay meesha raashinka lagu qeybinayaa wuxuu ii sheegay in xaafaddaas aan cid tagtaa jirin. Mar dambena aanan ku laaban.

Dadka ku Sugan Hargeysa

Haweenka iyo carruurta magaalada joogay aad ayay u tiro yaraayeen. Rag marka ay noqoto waxaa magaalada ku sugnaa ciidan, qaxooti iyo dad aad u tiro yar laakiin aan ka soo jeedin beelaha lagu tiranayo in ay Jabhadda SNM taageero u hayaan.

Nin Qaxooti ah oo aan la sheekeystay wuxuu ii sheegay in ay jeclaan lahaayeen in ay dalkooda ku laabtaan.  Markii aan weydiiyay waxa ka hor taagan wuxuu ii sheegay in ay doonayaan in ay carruurtooda iyo haweenkooda kaxaystaan. Qolyaha Jabhadda [SNM] ayaan uga baahan nahay ayuu yiri in aan ka ammaan helno.  Sababta uu iila hadlayaa waxay ahayd in Laanqeyrta Cas ay Jabhadda ka keento in ay nabad gelinayso Qaxootiga ku laabanaya dalkiisa.

Ninka Qaxootiga ah wuxuu ag fadhiyay oo aan kula kulmay garoonka Kubbada Cagta ee Tima Cadde oo raashin loogu qeybinayay dad aan tiro badnayn.

Arrintaas ma ahayn markii ugu horreysay iyo markii keliya ee aan ka maqlo Soomaalida Ethiopia ee Qaxootiga u joogtay aagga Hargeysa iyo Berbera.

Waxa ka dhexeeyay Qaxootiga iyo SNM waxaan ku fasiri doonaa qayb kale oo Taxanahan ka mid ah.

Maalmo dabadood waxaan ku laabtay Berbera.  Waxaan uga sii gudbay Muqdisho halkaas oo aan ehel iyo saaxiibbo fara badan oo qaarkood yihiin reer Hargeysa aan uga warramay socdaalkeyga waxa aan soo arkay.

Yuusuf Garaad

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here