Taxanaha Yuusuf Garaad Iyo Awdal 1989-90

0
727 views
Yuusufkii Yuusuf Garaad Magaciisa Gabadha Ku Mehersaday

Taxanaha Yuusuf Garaad Iyo Awdal 1989-90

Goor subax ah ayaan ka baxnay Borame. Dhowr ICRC ah ayaan nahay waxaase na wehliya dhowr oday oo reer  Awdal ah.

Waxaan sii marnay Qolujeed.  Waxaan soo xusuustay in markii maqalka Qolujeed iyo Xariirad iigu horreysay aan ka maqlay walaalkeey oo ka tirsanaa militeriga oo xilligii 1977 tegey degaankaas.

Qolujeed dadkii aan kula kulannay waxaa ka mid ahaa laba nin oo oo aan Soomaali moodayay hase yeeshee ku wada hadlaya af aan garan waayay. Waxaa la ii sheegay in uu yahay af Cafari.

Waxaan u gudubnay Boon.  Waa magaalo u eg kuwa laga daawado aflaamta lo’leyda Mareykanka (Cowboys).   Degaanka ay dhacdo, sida ay u taal iyo marka aad soo gasho in qof waliba uu ku soo eegayo. Ma hubo in sababtu ay ahayd Alard oo u dhashay Swiss oo na wehliyay. Hilib biyo lagu kariyay oo middiyo waaweyn oo daab leh lagu cunayo ayaa nala siiyay.

Halkaas ayaan dadkii isu soo baxay kala hadalnay howsha Laanqeyrta iyo Bisha Cas.  Qol weyn dhexdiisa ayaan ugu shiday filim howlaha Laanqeyrta Cas ka hadlaya oo su’aalo iyo jawaabo ay daba yaalleen.

Waxaan xusuustaa in dad macluul ah oo filimka ay ka daawadeen uu markii dambe qof i weydiiyay dalka ay u dhasheen.  Markii aan u sheegay wuxuu yidhi dadka dalkaas ayaa Soomaalida ka liita ee iyaga u geeya gargaarka.

Markii ay howlaheennii noo dhammaadeen ayaan dadka qaarkii weydiinnay xog hoose. Waddada Xaliimaale ayaan rabnay in aan ogaanno in ay miino leedahay iyo in kale. Waxay noo sheegeen in aanay miino lahayn.  Sababta waxay ku sheegeen in toddobaadkii hore uu maray baabuur booliisku leeyahay.

In hal baabuur maray daliil uma noqon karto in aan waddadu lahayn miino. In miino la dhigaana uma baahna toddobaad. Waxayse ahayd xogta keliya ee dhab ah ee ay na siin kareen.

Waddada Xaliimaale ayaan marnay annaga oo cabsi qabna.  Waxayse ka sii darnayd markii aan tagnay Xaliimaale.  Meeshii aan sugeynay in ay baqdintu naga hadho maaddaama aan ka soo gudubnay waddadii miinada looga baqayay, waxaan la kulannay cabsi hor leh.

Markii dhowr guri aan hooddi nidhi cid noo jawaabtana aan weynay. ayaan bannaanka cod kore uga dhawaaqnay bal in qof jooga Xaliimaale uu jiro iyo in kale. Xaliimaale dhammaanteed waa cidla’.

Qof keliya waan ka weynay.  Astaan wanaagsan ma ahayn.

Annaga oo yaabban ayaan u gudubnay Weeraar.  Halkaas ayaan u hoyannay oo aan habeenkaas kula sheekeysannay dadka tuulada, filimna aan ku wada daawannay.

Waxaan ku arkay nin ii sheegay in aan Jaamacadda wada dhigannay ahaase Kulliyadda Jiyolajiya. Markii aan weydiiyay waxa uu Weeraar ka qabanayo, wuxuu ii sheegay in Buuraha Gobolkaan laga helo macaadin aad u qaali ah.  Dhagxaan yaryar oo qiimahoodu sarreeyo ayaa halkan laga guraa ayuu yidhi oo aan Djibouti u iibgeeynayaa.

Berigaas waxaan arkay dhowr nin oo magaalooyin kala duwan aan kula kulmay oo sita dhagxaan aan badneyn oo uu qurux badan ama dhalaalaya. Waa dhagxaan uu qiyaastii mid waliba la eg yahay caagga biyaha laga cabbo furkiisa.  Waxay ku sheegayeen in dhagaxaasi uu goynayo qiimo weyn haddii la geeyo Djibouti.

Soo laabadkii waxaan soo marnay waddo kale. Degaannada aan soo marnay waxaa ka mid ah Ruqi iyo Beysaarre inta aynaan iman Baki oo ahayd xarunta Gobolka Awdal.  Ka dibna waxaan ku laabannay Borame.

Degaannada aan marnay waxay u badnaayeen dhul dhagax ah oo waddadu aanay wanaagsanayn.  Baabuurku masaafo dheer ma gaari karo maanta oo dhan marka uu socdo.  Mararka qaar waxay nagu kalliftay in aan u daaddegno togagga waaweyn oo ayaga bacaad ah oo halkaas aan wakhti dhan ku socono.

Degaannadaas aan marnay oo dhan waa laga dareensanaa colaadda gobolka ka taagan iyo jiilaalka.

Maalin ka dib waxaan ku laabtay Berbera. Alar oo safarkaas aan wada galnay wuxuu u dhashay Switzerland. Wuxuu mar dambe noqday Madaxa Socdaalka dalkiisa. London ayaan ku wada casheynay oo aan uga sheekeysannay xusuustii Awdal.

Qaybta soo socota ee Taxanahan waxaan uga hadli doonaa safar dhulka ah oo annaga oo saddex ah aan u kala soconnay Berbera, Shiikh, Qoyta iyo Burco sannadkii 1990.

Yuusuf Garaad

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.