Tartanka Dumaasha KULMIYE oo Sii Adkaanaya

0
231 views
Tartanka Dumaasha KULMIYE oo Sii Adkaanaya

Tartanka Dumaasha KULMIYE oo Sii Adkaanaya
Hargeysa(Sayruuq):-Tartanka mar kale looggu jiro dumaasha Xisbiga KULMIYE oo muddooyinkii dambe si aada u soo shaac baxaayey, ayaa waxa muuqata tuhunada la xidhiidha in dhawaan lagu kala bixi doono sida oo kale na lagu kala calaf qaadi doono hoggaaminta guddoomiyenimo ee Xisbiga KULMIYE.
Sida hore ba ay rag badan oo ka tirsan KULMIYE u shaaciyeen in ay u han-qal taagayaan guddoomiyenimada KULMIYE, ayaa shalay na waxa arrintaas si cad u sii muujiyey guddoomiyaha Golaha Dhaxe ee Xisbiga KULMIYE Mudane Jaamac Shabeel oo sheegay in uu u tartamaayo qabashada guddoomiyenimada Xisbiga KULMIYE oo uu muddo dheer ka soo tirsanaa Xisbigaasi.
Jaamac Shabeel oo la hadlay Eryal Tv, ayaa waxa ka muuqatay kalsooni badan oo uu ku qabo damaciisa la xidhiidha guddoomiyenimada KULMIYE, waxaana uu sheegay in uu lee yahay hanka Madaxweynenimo isla mar ahaantaana uu rajeynaayo in uu mar uun Madaxweyne ka noqdo dalka.
“Sanadkan waan tartamayaa, haddii wax la iga ga helo na waan haneynayaa, haddii kale na hore ayaan u soconayaa oo marka aad Madaxweynenimo ku socoto waa in aad kan sii martaa oo waa la sii marayaa waa qasab, hankaasi na aad iyo aad buu iigu jiraa, waanan ku rejo weynahay haddii Alle yidhaahdo in aan kursigaas maalin uun ku fadhiisto.”.Ayuu yidhi Jaamac Shabeel
Ragga kale ee kursigan u soo xeyd-xeydanaaya ayaa waxa ka mid ah wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Pro.Axmed Ismaaciil Samatar, Siyaasi Qabo, Siyaasi Khadar Xaaji iyo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, kuwaasi oo dhammaantood ba siyaabo kala duwan u xusay in marka wakhtigeeda la gaadho uu ku jiro hanka iyo rabitaanka ah in ay qabtaan guddoomiyenimada KULMIYE isla mar ahaantaana ay noqdaan Murashaxiinta beri beddelaaya Madaxweyne Biixi.
Loolankan looggu jiro guddoomiyenimada KULMIYE oo muddooyinkii dambe ay hadal-heynteedu aad u badatay, ayaan la oggeyn cidda uu Madaxweyne Biixi u cumaamadi doono isaga dabadii, waxaana aad loo dhowrayaa tallaabooyinka uu qaado shir-weynaha Xisbigaasi ee soo socda oo la rajeynaayo in uu dhabarka taaban doono mid ka mid ah siyaasiyiintan.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.