“Taariikhdu Waxay Qori Madaxweynihii Kala Raray Hargeysa,” Dhoollayare

0
480 views
“Taariikhdu Waxay Qori Madaxweynihii Kala Raray Hargeysa,” Dhoollayare

“Taariikhdu Waxay Qori Madaxweynihii Kala Raray Hargeysa,” Dhoollayare
Siyaasi Aadan Cilmi Dhoollayare oo ka tirsan saraakiisha xisbiga Waddani horena xilal uga soo qabtay xukumaddihii Somaliland ayaa sheegay in madaxweyne Biixi taariikhda ku gali doono madaxweynihii Hargeysa kala qaybiyay.

Sida uu dhawaan sheegay maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco madaxweyne Biixi ayaa amray in madaxtooyada laga dhiso galbeedka Hargeysa, goleyaasha baarlamaankana la kala geeyo koonfurta iyo bariga. Arrintaas ayaa lagu macneeyay in loola jeedo in saami qaybsi laga dhigayo xarumaha Qaranka.

“Anigu waxaan qaba madaxtooyadu in aanay xilligan ku habboonayn in laga dhiso degaan kale arrimo badan awgeed. Waa marka hore e iyada oo markii horeba la lahaa madaxtooyadu dhinac bay ka raran tahay imikana haddii xaafad la geeyo waa wax aad iyo aad u fool xun,” Sidaas ayuu yidhi Mr Dhoollayare.

Waxa uu intaasi raaciyay “Waxaan odhan lahaa madaxweynaha, madaxweyne kollay taariikhdu ma qorayso madaxtooyada cusub madaxweynaha dhisay laakiin, waxa taariikhda kuu galaysa madaxweynihii Hargeysa kala raray.”

Waxa kale oo uu sheegay in madaxtooyadu ku taallo meel ku haboon, islamarkaana haysato dhul haddii ay u baahato loo fidin karo “Madaxtooyadu maanta halka ay ku taallo meel ka wanaagsan oo ay ku taalla ma jirto. Haddii loo baahan yahay in la balaadhiyo anigu waxaan soo jeedin lahaa halka ay ku taallo safaaradda Itoobiya, wasaaradda maaliyadda, wasaaradda beeraha, wasaaradda waxbarashada, hay’adda la odhan jiray Nerad intaas oo dhan madaxtooyadu way ku durki karta. Meesha u wanaagsan ee magaalada badhtankeeda ah weeye waayo madaxtooyadu waa astaantii Qaranka.”

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Siyaasi Dhoollayare

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.