Taariikhdi Sayid Qudbi Ahn: W/Q Sheekh C/risaaq C/raxmaan Xasan Rakuub

0
36 views

Sayid qudbi Ibrahim xusen shadaali wuxu ku dhashay tuulada muusha ee ka tirsan degmada Asyudu-Saciid ee dalka Masar, wuxuna dhashay 9/10/1906, asalkisu hindi ayu ahaa oo awoowgisi lixaad oo la odhan jiray Faqiir Cabdalle ayaa xaj u yimi magaalada Makka ka dibna degay dalka Masar, sidaasa saydku ku noqday masri’se asalkisu hindi ayuu ahaa.

Sayidku wuxu ku barbaray tuulada muusha oo dugsiyadisi hoose, dhexe ku dhamaystay waxa la sheega dugsigisi sare inu uso waregay dhanka Qaahira, ka dib wuxu galay jaamacada Qaahira oo u ka diyariyey B.A suugaanta iyo ingirisiga iyo diploma tarbiyadda ah, wuxu shaqadisi u horaysay ku bilabay macalinimo oo mudo lagu sheego lix sano u wax dhigayey, ka dib wuxu noqday kormeere wasaarada waxbarashada ah mudadu kormeeraha ahaana waxa lagu sheega sideed sano.

Waxa la sheega inaanu Sayidku xiliga wadaadnimo ku shaqa lahayn, waana xiligu qorayey kutubtisi shareecada ka baxsanayd, waxa ka mid ah qoraladisi sharecada baal marsana ee saydku qoray maqaal jara’idki Al Ahraam xiliga kuso baxay oo saydku ku lahaa dadku maryo la’aan ha socdaan, ka dib suxufigi muxamed cali halim oo ka tirsana xarakada ikhwaanka ayaa maqaal ka diyariyey u ugu jawabayo saydka, marku maqaalkisi diyaariyey ayu Imaam Xasan Al-Banna AHN u geyey, ka dib Imaamku wuxu ku yidhi “ qoraalkani waa qoraal liita, yarkan qorayna waan garanaya oo wuxu ku barbaray deegaan afkaar galbeed ilbaxnimo u haysata, jara’iidkan dadka akhrisanaya waa dad koban, intooda badanina gudaha jara’iidka uma dhadhacan, se hadaad adu u jawaabto dadku kisi ayey raadsan, yarkanina armu kusi fogaada, mase laga yaaba muxamedow yarkan maqaalka qoray (Sayd Qudbi) waa inan yar’e inu diinta Alle SWT maalin un anfaco”.

sanadki 1948 ayey wasaaradi waxbarashadu u dirtay waxbarasho dibada ah iyo wadanka maraykanka, waxa dhacday inu habeen arkay magaaladi u joogay oo iftimaysa dadkuna dabaal degayaan markaasu so baxay dadkina waraystay dadki maraykanka ahaa ee damashadayey aya u shegay inay caawa u dabaal degayan mar hadi la dilay cadawgi galbeedka iyo diintoda, markaasu fahmi wayey kuna odhanaya yaa la dilay waxay ugu jawaabeen Xasan Al-Banna, Saydku wu fahmi waayey ninki Qaahira iska joogay ee iska lugayn jiray ee maqaxiyaha la fadhiyi jiray ee daaciga ahaa waxa dawladi aduunka ugu waynayd dilistisa ugu farxayso, maalinta ayaa saydka wax ku duxayaan waxna fahmaya, markaasu odhanaya walaahi ninkaasi wuxu waday wax yar maaha.

Wuxu uso jeestay inu diinta wax ka qoro isago bilabay kutubti suugaaneysnayd ee Qur’aaka qaab suugaaned uga hadlo, waana xiligu qoray kutubtisi canka ahaa ee Al Taswiirul Fani Fil Qur’aan iyo Mashaahid Al Qiyaamah Fil Qur’aan, waxa ku xigay kitaabkisi Al Cadaala Al Ijtimacaya Fil Islaam, oo u ku dhalilayey shuuciyada iyo dumuqraadiyada oo u aqoon durugsan u lahaa, waxa kasi horeyey kitaabkisi maraykan iyo wixi aan kuso arkay.

Saydku wuxu ku caan ahaa inu yaqaanay galbeedka iyo barigaba, danohooda ah adoonsi dib uso noqda, isago dadka uga digi jiray inanay ku kadsomin nimanka u shegayna in ay yihin niman aan la aamini Karin, dhaldhalalkanina wu iska dhamanaya burbur dhaqaale, akhlaaq, dadnimo iyo dumis aan so noqod lahayn aya kuso socda ayu saydku odhan jiray, waya dambese la arkay oo sidu ruushku u burburayba waa sidu usi ifafaleyey, oo aad wuxu u dhalili jiray Marx iyo Angels oo ahaa ragi hantiwadaaga keenay, kuna tilmamay inay dunida kenen wax dunida hortood cidi kenin in xoog laysku muquniyo mooye si kale u dhacayn, aqoon technology ah ama cudud ah ama saynis ah dunida kuma hogamin karno oo kuwi inagaga horeyeyba dunida hanan kari waayen, ee waxaynu dadka ugu yeedhayna caqiido iyo manhad sax ah oo ki salafka ah ayu odhan jiray saydku AHN.

Saydku qalinkisa ayu diinta ugu hiliyey kutubtu qorayna maaha qaar aynu halkan kuso koobi karno, waxase ugu caansana kitaabkisa Tafsiirka ah ee la idha Dilaal Fil Qur’aan oo in badan umada anfacay haday tahay luuqaad ahaan, iyo kitaabkisi keenay in la daldalo waa Macaalim Fil Daariq’e.

Ma ahayn Saydku wadaad fiqiga iyo faaniyada diinta akhriya se wuxu ahaa mufakir suugaanle ah oo diinta aftahanimadisa ugu hiliyey, waana ta maanta dad badani garan laayihin, oo ku tilmaama inaanu Saydku culimo ahayn ama caalim ahayn, se yaa ku yidhi caalim ayu ahaa ama sheikh diinta bartay oo bara ayu ahaa, wuxu ahaa siyaasi dar Alle SWT u god galay, wuxu ahaa aqoon yahan diintu raadaysay, wuxu ahaa maanso yahan suugaantisa Alle SWT ugu hiliyey, kutub badana ka qoray, kutubtu qorayna inta badan si suugaanaysan ayu uga hadli jiray ee ma ahayn wadaad kutubtisu axkaam ka hadlayso. Jamaal Cabdi Naasir ayey iska hor yimadeen marku qoray kitaabkisa Macaalim Fil Daariq ka dib Saydka wala xidhay, xadhigisina dhib ku mutaystay, dhibkaaso aad u daran, waxa xusid mudan marki jeelka lagu dhibay Saydka AHN, walaashi Xamiida aya u timi Saydka kuna tidhi cafis dalbo, Saydku wu diiday aadna wu uga hor yimi isago sheegay inanay aakhiro meel aan ahayn anay gaynayn sidaasu saydku AHN u god galay, waxa yadna xusid mudan in wadamadi carbeed hogamiyashodi Jamaal ka dalbaden inu cafiyo dabadeed iska mustafuriyo, iyago ku doday ninkan inan fahamkisu sareeyo carabtuna aanay ka marmayn se Jamaal dhag uma dhigin saydkina waa daldalay.

Dadki Sayd Qudbi AHN Radiyey

Culimada radiyey Saydka waxa ka mid ah Imaam Maxamed Nasir Diin AL Baani AHN, wuxu Sheikh Albaani ku radiyey inu Saydku aaminsana Waxdatul Wajuud, waxana la sheega in fikrada laga dhadhansaday marku suuratul Ikhlaas iyo Xadid ka hadlayey Saydku Tafsiirkisa Dilaal Fil Qur’aan.

Waxa kalo saydka radiyey Sheekh Yusuuf Mustafe Qaradaawi oo ku radiyey inu aaminsana takfiirka, waxa kalo takfirka ku dhalilay Saydka Maxamed Saalim Bahansaawi iyo Maxamed Ma’muun Al Hudaydi, waxa kalo Saydka takfiirka ku radiyey Sheekh Rabiic Al Madkhali.

Maxamed Qudbi oo ahaa Saydka walaalki labadoodaba Alle SWT qabriga haw nuuriye ayaa ka hadlay labadan masalo ee saydka lagu radiyey, wuxu yidhi isago ka hadlaya Saydku AHN wuxu ka aaminsana waxan lagu dhalilay inu iftimiyo, kitaabka Dilaalka fasalka Ilahnimada iy adoonimada marku ka hadlayo saydku booga 83 wuxu si cad ugu odhanaya “ tasawirka islaamiga ah wuxu si cad u kala saaraya dabeecada Ilaahnimada iyo dabeecadaa adoonimada iy waliba maqaamka uluhiyada iyo maqaamka cubuudiyada iyo khasaa’ista uluhiyada iyo khasaa’ista cubudiyada, kuwaasina isma masali karaan ismana dhex geli karaan”.

Taasi waxay mujinaysa inaanu fikrada waxdatul wujuud aaminsanayn ee hadaladi aynu kor ku xusnay ee dilaalka un ku jira ee tafsiirka suradaha Ikhlaas iyo Xadiid si maldahan u uga hadlayo taasina keentay in la moodo, se xaqiqada Alla SWT ayaa og.

Sido kale Maxamed Qudbi oo ka hadlaya Saydku wuxu ka aaminsana Takfiirka ayaa yidhi “Saydku waligi cidna kuma odhan gaal ayaad tahay, hase ahaate Saydku wuxu ka hadlay Xaakimiyada Alle SWT(xukunka Alle) qofka sokodi wax kale isku xukuma inu gaal yahay, masaladaas inay cadahay oo culimadu isku waafaqsan tahay ayaan filaya, waxana daliil inagaga filan Xaafid Ibnu Kathiir marku kitaabkisa Tafsiirka ah kaga hadlayey Suuratul Maa’iida, inu so qaatay qoladi isku xukumi jirtay sharcigi Yaasiq ee ahaa Distoorki Taraarka, taas oo Xaafidku ku tilmaamy inay gaalnimo tahay”.

Labadan masalo ee ah Waxdatul Wujuudka iyo Takfiirka waxa Saydka ka difacay culimo fara badan ooay ka mid ahaayen Sayd Saabiq, Bakar Abu Sayd, iyo culimo badan oo ah oo ay ka mid yihiin kuwa Sucuudigu.

Waxaa laga sheega inu ka mid ahaa dadki ugu samaynta badna qarnigan Saydku, wuxu ku mutaystay xabsigisi uu inta badan Alle darti ugu jiray, taas oo gabagabadisi noqotay in la daldalo, waxa kalo oo uu ku mutaystay aftahanimadisi, hal adagnimadisi, aqoontisi durugsanayd, iyo qalinkiisi uu ku manaysna, kaas oo in badan oo aanay is aqoon is bartay.

Qudbiyiinta

Waxa jira koox tidha waxanu ka dab qadana sayd qudbi AHN oo kutubtisa buunbunaya, kutubtisana isku kooba, magaca qudbiyiina qaata qaybna ka ah fikirka takfiirka, waana talo aaneyo ikhwaanka ee la idha ikhwaanku takfiir ayu ahaa, se waa fikir khaldan in la idha Ikhwaanka takfiirka keenay, waayo manhajka ikhwaanka meelna kagama taalo in dadka la galaysiyo, se qolo xad gudubtay ayaa fikir so jireen ahaa qaatay, waayo takfiirku maanta ma bilabmin ee waa fikir qarniyo badan so jiray oo wuxu so caan baxay xiligi Cali Ibnu Abi Daali Rc, wuse la dagalamay wayna shiiqen se fikirku ma baabi’in.

Waayadan waxa so noleyey ninki la odhan jiray Shukri Mustafa ee dawladda Masar la dagaalamayey, cid kasto oo dhabadisi martay noqotay qaar manhajkaa ku sifooba.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here