Taariikh Nololleedka Weriye Jamaal Khaashoggi Oo Lagu La’yahay Qunsuliyadda Sacuudiga Ee Turkiga

Waxa uu difaaci jiray Ururka Ikhwaan Muslimiin iyo Dr. Yuusuf Al-Qardaawi iyada oo uu sannadkii ina dhaafayna uu cambaareeyey in dawladda Sacuudiga ay Ururka Ikhwaan Muslimiin u aqoonsato koox argagaxiso ah

0
624 views
Maxaa ka soo cusboonaaday Dhacdadii Wariyihii la waayey Jamaal Khashoggi

Taariikh Nololleedka Weriye Jamaal Khaashoggi Oo Lagu La’yahay Qunsuliyadda Sacuudiga Ee Turkiga

Jamaal Khaashoggi Waa mid ka mid ah haldoorka saxafiyiinta Carabta, Waayo ku dhawaad 30 sanno ayuu ku soo dhex jiray Warbaahinta. Haddaba Khaashoggi Waxa uu sannadkii 1958 ku dhashay magaalada Al-madiina ee carriga Sacuudiga, Waxa oo ka soo jeedaa qoys asal ahaan Turki ah. Culuumta saxaafadda ayuu ku bartay jaamacad Maraykanka ku taalla oo la yidhaaho Indiana.

Shaqada waxa uu ka bilaabay weriyenimo, Waxaanu soo caan baxay markii uu ku guulaystay sagaashameeyadii qarnigii tagay in uu warbixinno dhammaystiran ka soo gudbiyo dhacdooyin ka dhacay Afghanistan, Aljeeriya, Kuwayt, Iyo guud ahaan Bariga Dhexe. Intii u dhaxaysay 1987 ilaa 1990 waxa uu u shaqaynayey Wargayska laga leeyahay dalka Sacuudiga, xaruntiisuna tahay magaalada London ee la yidhaaho Asharq Al-Awsat daily.

1999 Waxa loo magacaabay tifatire ku xigeenka Wargayska uu Sacuudigu maamulo ee Arab News, Waxaanu booskaa hayey muddo 4 sanno ah. Waxa kale oo uu noqday Tifatiraha Wargayska Al-Waddan oo gabi ahaanba laga eryey sannadkii 2003. Intaa kaddib waxa uu noqday la taliyaha dhinaca saxaafadda ee Amiir Turki Bin Faysal- oo ahaa Taliyaha guud ee Sirdoonka Sacuudiga sidoo kalena ahaa safiirka Sacuudiga u fadhiya Maraykanka intii u dhaxaysay 2005 ilaa 2006. Dadka Caanka ahaa ee uu la kulmay waxaa ka mid ahaa Usaama Bin Laadin. Khaashoggi waxa uu bilaabay in uu wax ka qoro oo uu u doodo xoriyatul qawlka dadlkiisa.

Waxa uu difaaci jiray Ururka Ikhwaan Muslimiin iyo Dr. Yuusuf Al-Qardaawi iyada oo uu sannadkii ina dhaafayna uu cambaareeyey in dawladda Sacuudiga ay Ururka Ikhwaan Muslimiin u aqoonsato koox argagaxiso ah. Khaashoggi Wuxu Sucuudiga ka tagay bishii Sebtember 2017 ka dib markii ay isa seegeen maamulka Boqortooyada, sidoo kalena uu dareemay cabudhin iyo in la aamusiinayo waxaanu uu u guuray Washignton. Intii uu Washignton joogay waxa uu ka qayb qaatay dhaqdhaqaaqyada loogu doodo xorriyadda iyo xuquuqda dadka.

2-dii Bishan October Khaashoggi waxa uu u duulay Magaalada Istaanbuul ee dalka Turkiga si uu qunsuliyadda Sacuudiga uga soo qaato Waraaqo la xidhiidh Furriinka xaaskiisii hore isaga oo doonayey in uu guursado gabadh u doonanayd oo la yidhaah Khadiija una dhalatay Turkiga.
laakiin nasiib xumo Markii uu Qunsuliyadda galay ayaa cid ugu dambaysay ilaa imikana lama oga meel uu jaan iyo cidhib dhigay in kasta oo Saraakiisha Turkigu ay aamin sanyihiin in lagu dhex-dilay Qunsuliyadda Sacuudiga.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.